Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la Dilay

ADDIS ABABA(HALBEEG)-Dowladda Itoobiyaa ayaa shaacisay in ciidamadeedu ay howlgal ka dhacay gobolka Tigray ay ku dileen wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee dalkaas Seyoum Mesfin iyo saddex xubnood oo kale.

Kooxda fulisay dilka wasiirka ayaa sheegtay in ay ku amreen in uu isa soo dhiibo ka hor inta uusan is dilin hase yeeshee u uku gacan seydhay sidaasina ay ku toogtee.

Seyoum Mesfin ayaa xilka wasiirka Arrimaha dibadda kasoo qabtay xukuumaddii Meles Zenawi, wuxuuna ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu caansan siyaasiyiinra reer Itoobiya.

Soomaalida ayuu caan ka ahaa maadaama uu muddo dheer hoggaaminayay arrimaha Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa dabayaaqadii bishii November ku dhawaaqay in uu guul ka soo hoyay dagaalkii ka dhanka ahaa Jabhadda TPLF ee saldhiggeedu ahaa gobolka TPLF.


Post Views:
11

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR