Wax ka ogaaw 4-cayaaryahan Man United labo bilaash ku heli karto labana ay qiimo jaban kusoo qaadan karto xagaagan

Kooxda Man United waxay ku qasban tahay xagaagan suuqa inay gasho oo ay saxiixyo muhiim ah sameyso si kooxda awoodeeda sare loogu qaado sidoo kalena waxaa muhiim ah in kooxda siyaasadeeda suuqa isku dheeli tirto oo aysan lacago suuqa ku faraqin sidoo kalena diirada saarto xidigaha tayada wanaagsan ee bilaashka lagu heli karo.

Masuul  Ed Woodward waxaa la ogaaday inuu liiska ku darsaday 4-cayaaryahan oo labo ka mid ah bilaash lagu heli karo halka labo kalena qiimo jaban kusoo qaadan karo marka suuqa waalida ka jirto loo ego sida The Metro soo daabacday.

Sidoo kale macalin Solskjaer ayaa laga tala galiyay dooqyada United calaameesatay oo ay si bilaash iyo qiimo jaban xagaagan ku heli karto isagana wuu soo dhaweeyay.

Haddaba hoos kaga bogo 4-cayaaryahan oo ay Man United xagaagan si bilaash ah iyo qiimo jaban heli karto:

Diego Godin (Atletico Madrid): waa 33-jir la sheegay inuu Inter heshiis hordhac ah la gaaray balse Man United mushaar waali ah inay kusoo dabto ayay diyaar u tahay.

Adrien Rabiot (Paris Saint-Germain): waa 23-jir khadka dhexe ka cayaaro oo si bilaash ah lagu heli karo.

Toby Alderweireld (Tottenham Hotspur): waa 30-jir qandaraaskiisa hal sano ka harsan oo ay Man United ku heli karaan £25m.

Kostas Manolas (Roma): waa 27-jir Man United ku heli karto £30million madaama uu diidan yahay Roma inuu heshiis cusub u saxiixo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR