Wax ka ogow walaalayaal u ciyaara qaramo kala duwan kuwooda ugu caansan!

Kubadda cagta waxaa laga diiwaan geliyaa dhacdooyin naadir ah, balse mararka qaar u baahan in la xuso.

War bixintan waxa aynu kusoo koobeynaa xiddigo wada dhashay oo walaallo ah kuwaasoo u ciyaaray qaramo kala duwan.

Si gaar ah waxaan diiradda saareynaa xiddigaha caanka ah haba u badnaadaan kuwa hadda ku jira ciyaarta kubadda cagta.

  1. Christian Vieri iyo Max Vieri
    Christian oo ah xiddigga ka weyn walaalkiisa Max ayaa doortay inuu u ciyaaro xulka qaranka Italy, halka Max Vieri uu doortay u ciyaarista qaranka Austria.
  2. Thiago Alcantara iyo Rafinha Alcantara
    Labadan xiddig waxaa aabbe u ah haleygii hore ee Brazil ee Mazinho, waxaana ay kasoo wada qalin jebiyeen xerada dhallinyarada Barca ee La Masia. Thiago ayaa doortay qaranka Spain, halka walaalkiisa yar ee Rafinha uu u ciyaaro qaranka Brazil.
  3. Kevin-Prince Boateng iyo Jerome Boateng
    Wiilka weyn ee Kevin-Prince oo haray ugu soo ciyaaray Milan ayaa ka tirsan xulka asalkiisa uu yahay ee Ghana, halka difaaca Bayern Munich ee u ciyaaro qaranka Germany.
  4. Granit Xhaka iyo Taulant Xhaka
    Labada xiddig ayaa isaga horyimid koobka qaramada qaaradda Europe taasoo u noqotay taariikh iyo rikoor u gaari ah, iyadoo Granit uu xiranyahay maaliyadda qaranka Switzerland, halka Taulant uu ka tirsanyahay xulka Albania.
  5. Paul Pogba, Florentin Pogba iyo Mathias Pogba
    Waa qoyska ugu caansan kubadda cagta xilligan, maadaama uu ku jiro wiilka ugu qaalisan horyaalka Ingiriiska. Paul ayaa France ka mid noqday isagoo kula guuleystay Koobka Adduunka, halka mataanayaasha isaga ka weyn ee ee Florentin iyo Mathias ay u laabtaan xididkooda dambe ee qaranka Guinea oo dhaca galbeedka Africa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR