Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Supercoppa Italy Ee U Dhaxeeya Milan Iyo Juventus.

Waqtiga iyo goobta uu ka qabsoomi doono kulanka Supercoppa Italy ee u dhaxeeya kooxaha Juventus iyo AC Milan ayaa ai rasmi ah loogu dhaawaqay.

Kulankan xiisaha badan ayaa lagu ciyaari doona garoonka King Abdullah Sports City Stadium, kaas oo dhaca magaalada Gedda ee boqortooyada sacuudiga.

Ciyaarta ayaa labaasan doonaa 6:30pm ee xilliga talyaaniga, taas oo ku beegan 5:30pm xilliga UK, halka gudaha sacuudiga laga daawan doono 20:30 habeennimo.

Si lamid ah geeska Afrika ayaa ciyaartan laga daawan doonaa 7:30 habeennimo, markaas oo labada kooxood kii guulaystaa uu koobka gudoomi doono.

Kulankan ayaa waxaa ku dagaallami doona kooxaha AC Milan oo kaalinta labaad kaga dhammaysatay Coppa Italia iyo Juventus oo ku guulaysatay horyaalka Serie A iyo Coppa Italia.

Kooxda tababare Gattuso ayaa si wayn ugu baahan in ay ku guulaysato koobkan si ay usii wadato bandhigeeda wacan ee kujirto waqtigan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR