Waxa La Joogaa Xilligii Pentagon-Ku Raadsan Lahaa Badiilka Jabuuti (WT: Cabdiraxmaan Hayaan)

Waxa qoray Michale Rubin

Dawladda Maraykanku uma baahna inay ka wareegto Jabuuti, balse waa wakhtigii ay meel kale sii sahansan lahayd, haddii kale hal mar oo Biijiing dhagta wax u saarto madaxweyne Geellaha Jabuuti ayaa awoodda maraykanka ee gobolka oo dhan jilbaha dhulka u dhigi karta.

Kaalinta dawladda Jabuuti kaga jirtay ammaanka qaranka Maraykanka waxa uu tobannaan sano saami gal aan qummanayn ku ahaa inta uu yahay xajmigeedu. Dalkan yare ee ku yaalla bariga Afrika, waxa uu muddo badan u qaabilsanaa millatariga Maraykanka isku xidhka hawlaha millatari iyo fududayntiisa. Xarunteeda ciidanka cirku waxay caawisay ciidamada Maraykanka 1990yadii, sidoo kale maraakiibta dagaalku waxay u booqan jireen dekeddeeda si joogto ah. Maadaama oo Jabuuti ahayd dal uu Faransiisku gumaysan jiray ku dhawaad qarni ka hor intii aanay xorriaydda helin 1977, waxa ay hoy u tahay ciidamo faransiis ah, kuwaas oo ciidammada maraykanku isticmaali karaan qalabkooda haddii loo baahdo.

Hase ahaatee waxtarka ugu weyn ee jabuuti u leedahay ammaanka maraykanka waxay soo baxday intii ka danbaysay weerarradii 11 sept. 2001, kolkaasoo maamulkii madaxweyne George W. Bush sameeyay ciidammada huwanta geeska Africa, Combined Joint Taska Force-Horn of Africa( CJTF-HOA), oo markii hore loogu talo galay inay qayb ka qaataan hawlgallada xasilinta gobolka markii danbena loogu daray inay kor joogteeyaan hawlagallada lagaga hor jeeday argagixisada Yemen iyo gobolka oo dhan. Ku tiirsanaantii maamulka Obama sida ugu weyn ugu tiirsanaa Weerarrada Cir ka soo dhaca( Drones),  ee Jabuuti ka kacayay waxay sii kordhisay uun muhiimaddii uu dalku lahaa.

Tan iyo intii Maraykanu si rasmi ah u yimid Jabuuti, aqalka looga taliyo millatariga maraykanku waxa uu ku kharash gareeyay dhowr bilyan oo Doollar xerada Camp Lemonnier, oo noqday saldhigga millatari ee ugu weyn ee maraykanku ku leeyahay Afrika, isla markaana meel muhiim ah kaga jira taliska Afrika, isaga oo ay joogaan 4000(afar kun) oo isugu jira ciidan, badmaaxayaal, iyo ciidammo badeed.

Dabcan maraykanku kali kuma uu ahayn inuu yaqiinsaday goobta istaraatijiyadeed ee Jabuuti ku taal. Farnsiiska ayaa wakhti hore jabuuti ka soo gooyay Soomaliya meesha ay ku taal iyo dekeddeeda awgeed. Ingiriisku waxa uu cadan ka samaystay saldhig maraakiibtiisa bariga afrika iyo hindia tagaysaa ay ka sii qaadato shidaalka. Jabuuti oo leh deked dabiici ah isla markaana 150 mayl oo kaliya u jirta Cadan, si la mid ah ayuu faransiisku ugu isticmaalay inuu ka ilaashado dalalkii uu gumaysanayay ee Madagascar, Mauritius iyo dano kale oo uu gobolka ka lahaa.

Qoorriga suways,(the Suez canal) ayaa sidoo kale muhiimad u yeelay Bab-el-mandab oo dhinaca ku haya Jabuuti. Wakhtigan la joogo, marka laga tago Maraykanka, faransiiska ayaa isna Jabuuti ku leh saldhig weyn oo sidoo kale qayb ka dajiyay  ciidammo Jarmal ah iyo kuwo reer Isbayn ah. Talyaaniga iyo Jabbaan ayaa sidoo kale ku leh goobo ay dagaan. Sucuudiga iyo imaaraadka ayaa iyaguna meel kiraystay. Sidaa si la mid ah Shiinaha ayaa ka dhistay saldhig weyn iyada oo uga gol leh inay ballaadhiso saamaynta ay ku leedahay Badda Hindiya iyo Afrika.

Iiraan ayaa iyaduna mar hore isku dayday inay ku yeelato Jabuuti meel, balse waxa meesha ka saaray cadaadiska reer galbeeda.

Wax si fudud kugu soo gala si fudud buu kaaga baxaa. Illaa maanta Shiinuhu waxay dul u yeesheeen joogitaanka dawlado tartan ka dhexeeyo oo Jabuuti la wadaaga, Jabuutina way iskaga faraxsanayd inay ku shaqaysato goobta ay ku taallo muhiimaddeeda kiro na ka urursato intii ay awooddo dhul ay bixin karto ee suurtagal ah. Laakiin maalgashadayaasha Jabuuti joogaa iyaga Ayaan isku mid ahayn. Shiinuhu waxay Jabuuti u maal galiyeen dhuun biyaha qaadda iyo waddo tareen oo Jabuuti ku xidha Addis Ababa oo ah caasimadda Itoobiya. Halka  caawimada maraykanku Jabuuti siiyay 2017 ay gaadhay $31 Milyan oo Dollar, Shirkad shiinays ahi waxay isla sannadkaa Jabuuti la saxeexatay heshiis hordhac ah oo lagu soo saarayo gaaska dabiiciga ah qiimihiisuna ku kacayo $4 Bilyan oo Doollar .

Faraqa intaa leeg ee dhanka caawimada ah ayaa ku fillaa in uu kafadda u janjeedhiyo dhanka Shiinaha, balse taa baddalkeeda musuqmaasuqa ka jira Jabuutia ayaa u leexiyay dhanka Maraykanka. Jabuuti waxay yeelatay laba madaxweyne oo kaliya tan iyo intii ay xornimada qaadatay.  Xasan Guuleed Abtidoon oo gacan bir ah dalka ku haystay 22kii sano ee ugu horreeyay ee ka danbeeyay xornimada. Markii uu dhintay waxa uu meesha ku wareejiyay inankii uu adeerka u ahaa soona koriyay, Ismaaciil Cumar Geelle, illaa immikana haysta.

Maandhow musuqmaasuq waa soomaali meheraddeede, dhibta ugu weyn ee dalka haystaa waa musuqa. Ma jiro heshiis ama mashruuc dalka yimaadda oo aanay geelle iyo qaraabadiisu ka faa’idin, haddii aan laaluush laga qaadin waxa lagu galaa qandaraasyo ganacsi  kuwaas oo dalalka reer galbeedku ay u haystaan uun isku naas nuujin.

Hase ahaatee waxay u muuqataa in maamulka Tump sidii kii Obama uu is dafirsiinayo waxaas oo dhan. Aqalka gaashaan dhigga maraykanku waxa uu ku maalgaliyay lacag xaddi badan dawladda Jabuuti, lacagtaas oo ay adagtahay in la maleeyo waxa lagu qabtay, iska daa in congress ka loo sharraxo inay lacagtaasi khasaartaye. Danayn la’aanta ayaa iyaduna wali mushkilad ah. In ka badan toban sano. Dublamaasiyiinta waaxda difaacu waxay indhaha ka lalinayeen madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayyib Erdogan, iyaga oo ka baqaya in aad xaqiiqada is hor dhigtaa inay la macno noqoto adiga oo aqoonsaday nuglaanta maraykanka ee joogitaankiisa saldhigga hawada sare INCIRLIK ee ku yaalla Turkiga.

Aqalka gaashaan dhigga maraykanku sidoo kale waxa uu sii wadaa inuu ka dhigo saldhigga  Al Udeid ee Qatar ku yaalla, kaadh ay dawladda Qatar kaga baxdo eedaynta loo jeediyo ee ah inay hoy iyo taageero siiso argagixisada, iyada oo dawladda Maraykanku ka baqaysa in haddii ay Qatar la xisaabtanto ay ku adkaan doonto inuu faro dhuudhuuban u yeesho gobolka.

Halka aqalka gaashaan dhiggu ka sii wado inuu sii adkayso saldhiggiisa Qadar, Bahrayn oo labo tallaabo u jirta ayaa u noqon karta badiil. Baxrayn hoy uma aha oo kaliya gaaska shanaad ee ciidammada badda Maraykanka, balse Saldhigga hawada ee ISA waxa uu marti galiyay afar laab inta diyaarado ka kici karaan saldhiga AL UDEID hadda.

Haddaba isagaoo Shiinuhu xilliga uu doono Jabuuti ka hoos saari kara Maraykanka, maamulka Trump waxa la gudboon inay helaan badiil aan Jabuuti ahayn.

Itoobiya maaha meel ku habboon, maxaa yeelay deked na ma laha, ganacsiga iyo maalgashiga Shiinuhuna wuxuu ku xidhaa Eeshiya in ka badan galbeedka. Eratariya waxay marti galisaa deked ay leedahay Imaaraadka carabtu Israa iilna wada shaqayn ayaa ka dhaxaysa, haseyeeshee siyaasad goorta ay doonto is badalaysa, tasiilaadka oo liita, iyo magac xumo xuquuqda aadanaha ah oo ay leedahay ayaa ka dhigi kara meel aan ku habboonayn maraykanka.

Siday doontaba ha noqoto haddabee, Somaliland ayaa badiil u noqon karta Jabuuti. Magaalada Berbera ee dekedda ah waxa ku yaalla garoonka diyaadaha ee Afrika ugu dheer. Xilligii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, maraykanku waxa uu joogay Berbera, sida laga soo xigtay sarkaal reer Berbera ah na, heshiiskii NASA ee garoonka diyaaraduhu wali waa halkiisii, xataa hadday barri soo noqonayaan.Inkasta oo Imaaraadka carabtu heshiis la saxiixday Somaliland una dhisayaan saldhig millatari, haddana heshiiskaasi maaha mid imaaraadka u gaar ah. Berberi sidoo kale waa deked qotoda biyeheedu dheeryihiin(Draft), taasoo ay ku soo xidhan karaan badi maraakiibta maraykanku. Waxa ka sii muhiimsan, dawladda Somaliland waxay sugayaan inuu maraykanku yimaaddo, Shiinaha iyo ruushkuba waa ay la soo xidheedheen Somalilaan, Somaalilaanta doorashada xorta ahi ka dhacdo una janjeedha dhanka galbeeda, inkasta oo aanay toos ula soo xidhiidhi Karin. Dhibta ugu weynina illaa immika waa wasaaradda arrimaha dibadda maraykanka. Somalilaan si toos ah ayay u madaxbannaanayd tan iyo 1991kii kolkaaoo ay ka boodday midowgii ay kula jirtay Somalia. Isla markaana ay dib u soo ceshatay madaxbannaanideedii 1960kii. Dawladda oo maraykanka  oo waagaa ka mid ahayd dawladihii aqoonsaday Somaliland, haddana wasaaradda arrimaha dibadda maraykanku waxay hadda raacdaa siyaasadda qalloocan ee Somalia walibana kharashka badan ku taagan, taas oo si toos ah u diidaysa in Somalilaan gaar loola macaamilo iyaga oo ka baqaya in haddii Somaliland gaar loola maaamilo ay taasi ka cadhaysiin doonto Muqdishu, oo dawladdeedu xataa aany maamuli Karin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ixtiraamka intaa leeg ee Muqdisho la siiyay siyaabo badan buu u qalloocaa, waa ta horee dawladda Somalia ee xamar fadhidaa waa mid magac  ahaan uun u jirta marka la eego maamulkeeda iyo xukunkeeda, waa ta labaade waxa ay dhawaan u janjeedhsatay dhanka Shiinaha.

Intii ay halis galin lahaayeen ammaanka qaranka maraykanka iyo danihiisa, xoghaya arrimaha dibadda Mike Pompeo, caawiyaha xoghayaha arrimaha dibadda Tibor P, Nagy Jr. and danjiraha maraykanka ee Somalia, Donald Yamamoto, waa inay yaqiinsadaan in xidhiidhka millatari aanu waligii la mid ahayn aqoonsi diblomaasiyadeed:

Putting all America’s eggs in one basked( inaad beedkaaga oo dhan sallad ku wada sidataa), waliba mid luxmaysa, marnaba ma noqon karto istaraatijiyada lagu ilaalin karo danaha marayknaka ee laga soo horjeedo argagixisada, dagaal wakiileedka iiraan, waxay Al Qa’ida lugo ku wadato iyo dawladda Islaamka ISIS..

Haddaba dawladda maraykanku uma baahna inay ka tagto jabuuti, hase ahaatee waa xilligii ay ka fikiri lahayd badiil , haddii ay taasi dhici waydo, yeedhmo kaliya oo shiinuhu dhagta wax u saaro madaxweynaha Jabuuti ayaa jilbaha dhulka u dhigi kara awoodda

Waxa soo Tarjumay Cabdiraxmaan Hayaan

Cbdrxmngeni@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR