Waxaan la yaabay Dudun ayaa Aboor dhisay!!!.

Ninaa yiri: waxaan la yaabay:

1. Dudun, Abooraa dhisay.

2. waxaa ka yaab badan, wuxuu dhisaa habeenkii oo kaliya.

3.waxaa ka sii yaab badan, waxa uu ku dhisaa Candhuuftiisa. (F.S: 1aad

waxaan la yaabay:

1.Guddiyo Dastuuri ah oo 3 Sanno iyo Bar lagu dhisi waayay, Sida Gudiga Adeega Garsoorka, Hayadda Batroolka Qaranka iyo Gudiyo kale, ayaa Saacado lagu dhisay .

2.waxaa ka sii yaab badan, Xukuumadii la yiri, wasiiradaheedii waa wada dheceen ayaa dhistay.

3.waxaa ka sii yaab badan, Shuruudihii Sharciga lama buuxin waana Sharci jiritaanka Guddiyadu. ( F.S:2aad)

Qore : Yahya Amir

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR