Waxba kuguma qabno: Arsenal oo ka tashaneysa Cazorla, iyadoo u muuqata inay bedelkiisa kaga adkaan karto Bayern Munchen.

Arsene Wenger ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ka tashto laacibka dhaawacyada ay hareeyeen ee qadka dhexe Spain Santi Cazorla, isagoona u dhaqaaqay durba bedelkiisa.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayern Munchen ayaa sidoo kale dooneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Schalke Max Meyer xagaaga.

22 jirkaan ayaa saftay 20 kulan oo Bundesliga ah xilli ciyaareedkan, celcelis ahaan baasaskiisa ayaa ahaa kuwa saxan 90%, Arsenal ayaana xiiso gaar ah u qabta.

Bayern ayaa xaqiijisay saxiixa xiddiga Leon Goretzka, taasoo ku qasbeysa inuu Allianz Arena ka doorbido Gunners, iyadoo Wenger, uu ku rajo weyn yahay inuu helo ciyaaryahan awood u leh inuu bedelo Cazorla.

Arsenal ayaa heysata Granit Xhaka, Jack Wilshere, Aaron Ramsey iyo Mohamed Elneny, iyadoo ka iibisay Bishii Janaayo kooxda Valancia,  Francis Coquelin, waxaana ay u muuqdaan inay kufilan yihiin dhamaan afarta ciyaaryahan xalinta khadka dhexe ee Arsenal.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR