Weebartu ha shaqayso, Q.2aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Wuxuu yidhi Ibnu Rajab Xanbali Allaah ha u raxmadee “Camalada ugu fadliga badani waa badqabka qalbiyada iyo dhawrsanaanta nafaha, kuna la dhantahay u nasteexaynta ummada.” darajadaa wayn laguma gaadho salaad badan iyo soom badan oon qalbi toosani haygayn. Markaynu eegno xadiiskii hore iyo xaaladii cibaado ee ninkaasi ku sugnaa.

Casharka ku jiraa waa in ficilka iyo waxa qalbiga ka guuxayaa yook kaliya kuwad jihaysan yihiin haddii ay kala hadhaan maxsuulkuna kala jaad buu noqonayaa. Salaada iyo soonkuna waa natiijooyinka ugu waaweyn ee qalbiga wacani soo saaro.

Casharka ugu wayn ee Rasuulku (Salaahu Calayhi Wasalm) Saxabadiisa wuxuu ku baray tusaale nool  iyo sida Rasuulku (Salaahu Calayhi Wasalm) ugu marag furay saxaabigaa. Taas oo nin kaasina ka marag kacay in aanu camal badan oo ficila samayn jirin sidii la filaayay, balse camalka badani aakhiro waa ka miisaanka culaynaya, haddana waxaa ku xidhan  tusaale ahaan kalmada tawxiidka ama ashahaada ee qalbiga ku jirtaa ay ka culustahay aduun’yada oo dhan iyo waxa ku jira.

Balse sirtu waa gudaha waxa ka socda waana in aynu halkaa abaarnaa toosinteeda, xanaanaynteeda ka warhaynta, bad qabkeeda caafimaad ahaaneed iyo xaalada kolba uu ku jiro iyo jihada uu usocdo kuuna waddo waa shookaantii qofka, taas oo dhamaan naftaada meel san ama surgacan ku gayn karta. sida Sheekh Maqaamiisi tilmaay in “qalbigu toosaa ay tahay sirta ee aanay ahayn ficilka”.

Maadaama aynu garanay qiimaheeda waxa inaga caawinaaya sababahan soo socda:

1.   In Ducada iyo Alla bariga la joogteeyo, adoo  ducooyinka ku qotama sugnaanshaha ku qotoma badinaya ee uu inoo dardaarmay  Rasuulkeenu (Salaahu Calayhi Wasalm) ku was oo uu badin jiray kana midka yihiin

a.    “Allaha qalbiyada gad’gadiyaw nasug”

b.   “Allaw Daacadadaada Nagu sug,”

c.    Allaw Qalbiyada ha leexin intaad na hadaysay” iyo kuwa kale ee badan waxanad ka raacan kartaa kitaabka Xisnul Muslimka layidhaa.

2.   Malaha Wacan. In dadka wanaag laga malaysto, iyo in hadalka inta fiican laga qaato, waligaana kalmad walaakaa kasoo baxday xumaan ha u malayn adoo wanaaga meel uga heli kara. Ayuu Cumar yidhi Allaah Subxaanah Raali ha ka ahaadee.

3.   In aad ka dheeraato goobaha namiimada iyo  dadka hadalka u kala qaada dadka kale taasi oo hadii ay jirto iyo haddii aanay jirin maadaama aanad maqlayn aad malahaaga wanaajiso waanaagana qiil uga raadiso intaad naftaada iyo qalbigaaga dhibaato gaadhsiin lahayd.

Ninbaa ku yidhi nin kale hebl wuu ku caayaay. Wuxuu ugu jawaabay “leeb buu igu soo ganay ilamuuse helin, adiguse intaad leebkii soo qaaday ayaad qalbigayga ku dhufatay,” sidaasuu ninkii namiidada wadday ugu warceliyay ninaasi.

4. Hadyadu waxay hagaajisaa xidhiidhka iyo niyada jaarka iyo dadka walaalaha ah. raad wayna  ku leh wanaajinta qalbi furnaantana iyo laab xaadhnaata.

5. Qanaacada In qaybta Rabbi ku siiyay ku qanacsanaato, waana dawada ugu wanaagsan ee qalbi samaanta “Qanaacaduna waa khasnad aan dhamaan waligeed”

6. Had iyo goor ogsoonaw qiimaha iyo darajada qalbis samaantu Allaah agtiisa ku leedahay iyo sida quraanku inoogu booriyay, taasi oo xataa dadka janada galay laga siibayo waxyaabihii yaryaraa ee ku hadhay.

Badqabka qalbigu waa mid ka mida wanaagayada dhifka ah sida laab xaadhnaanta, hufnaanta nafeed waa arrimaha tilmaan u ah daganaansho nafeed iyo aragti aakhira ku qotanta markastana ku go’aankeedu daaran yahay waaqaca aakhiro yaala.

Taas oo calaamad wanaasan iyo tilmaan u noqon kara in aad waddada toosan hayso haddaad dagaalkaa gudahaaga ka adkaato kuna lingaxan  waxyaabaha  camalada wanaagsan soo jilaaba, lagana dhaxlo ajar iyo abaal marin dambe iyo mid aduunyaba.

Dhinaca kale waa dabar u yaal aqbalida ama Shaambadayta camal kaaga  in xaga sare loo qaado laguna daro dadka laga tirtiro dambiyada abaalna u ah waxqabadka ama camal kaaga wanaagsan ee ku tabcay. Waxa jira in Maalinta khamiista iyo Isniin kasta camalada Allaah (Subxaanah)  loo bandhigaa. Allaah (Suxaanah) wuu u dambi dhaafaa adoomada dhamaan Labadan soo socda mooyaane.

1. Ka ilaahay lala maaneeyay cid uu la caabudo.

2. Iyo labbada wax ka dhexeeyaan ilaa ay ka heshiinayaan . Muslim baa Wariyay Xadiiskaa,

Cabdilaahi Digool waxaan ka guntay ergayga la yidhaa (Ha Shaqayso Weebarta.) Markaan waydiiyay fasiraada wuxuu ii sheegay in maalintii intaas oo wax aad la kulmayso kuwaas oo labba dhinac leh.

A. Mid toosan

B. Iyo qaar qaloocan

haddaba kuwa qaloocan waa in sida gaadhiga (marka dhadada, boodhka, ama roobka ay ku dhacaan muraaayada hore weebartu u nadiifiso aad iskaga nadiifisaa haddii kale adiga uun bay ku dhibi dhibtaasi ka hor qofka kale) hadal nuxur ahaan sidaa u dhaw buu iigu fasiray walaalkaasi eraygaasaana igu dhiiri galiyay in maqaalkan ciwaan uga dhigo, sigaaraan ugu mahad celinayaa Cabdilaahi Digool oo digool oo ergaygaasi  isoo   ergisiiyay

Waa xikmada igu kaliftay in aan qoraalkan kooban qoro, Waana Eray dhaxal gala ah tusaale nool u ah nolosha socota ee is labba rogaysa in aanad niyadaada ku daalin dhacdooyinka..

· Xigasho Qoraalka Cabdalla Ibnu Caamir Lahwi.

· رابط المادة: http://iswy.co/e1205d dagalka

·  Cabdalla Digool.

Qalinkii : Axmed Cali Kaahin.                                      Ahmedckahin@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR