Weerar qasaare geystay oo caawa lagu qaaday mid ka mid ah guddoomiyeyaasha G/Banaadir

Koox hubeysan ayaa caawa Bambo gacmeed ku weeraray hoyga uu muqdisho ka degan yahay Mid ka mid gudoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha la weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Abuukar Jacfar, waana Gudoomiyaha Degmada Deyniile, waxaa uuna weerarka ka dhacay isgooska dabka ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 1 qofka ayaa ku dhintay, halka 2 kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii weerar lagu qaaday hoyga Gudoomiyaha degmada Deyniile.

Ma jiraan Cid loo soo qabtay weerarka ka dhacay hoyga Gudoomiyaha degmada Deyniile.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR