Weeraryahankan Ay Wada Doonayaan Kooxaha Tottenham Iyo Liverpool Oo Kooxdiisa Ka Dhaqaaqaya Bisha January, Iyo Shuruuddan Oo Hortaalla Bixitaankiisa.

Weeraryahanka reer Poland ee Krzysztof Piatek, ayaa maalmihii u danbeeyay waxa uu xiisa ka helayay qaar kamid ah kooxaha ugu waa wayn yurub.

Xidigan weerarka kaga ciyaara Genoa ayaa hoggaaminaya gool dhalinta horyaalka Serie A, taas oo keentay in uu soo jiito indhaha kooxaha Liverpool iyo Tottenham.

Yeelkeede, Gazzetta dello Sport ayaa shaaca kaqaadday in Piatek uu kooxdiisa kadhaqaaqi doono bisha January, balse kooxdii iibsata ay waajib kunoqon doonto inuu inta xilli ciyaareedka kadhiman amaah kusii joogo kooxdiisa Genoa.

Liverpool iyo Tottenham ayaa labaduba doonaya in ay xidigan lasaxiixdaan suuqa jiilaalka si ay ugu xoojiyaan safka ay haystaan waqtigan.

Kooxda tababare Klopp ee Liverpool ayaa doonaysa in ay garoonka Anfeild usoo dhaqaajiso xidig ku wanaagsan weerarka tooska ah maadaama uusan Firmino qaab ciyaareed wacan kubilaaban xilli ciyaareedkan 2018-19.

Dhanka kale Mauricio Pochettino ayaa danaynaya xidiga uu ku nasiyo Harry Kane kaas oo ah xidig kaliya ay Spurs u hasato weerarka tooska ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR