Xaliimo Yareey iyo Saraakiil la socday oo lagu xiray magaalada Dhuusa-mareeb

Ciidamada maamulka Ahlusuna ayaa xabsi dhigay Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Yarey iyo illaa 10 Saraakiil oo wehlineysay.

Guddiga oo ujeedkiisa ahaa wacyi-gelin la xirirta doorashada ayaa ku sugan magaalooyin ay ka mid yihin Cadaado, Cabdud-waaq, Guri-ceel iyo meelo kale, waxaana la sheegayaa in Xalimo Yarey iyo saraakiil kale loo diiday in ay dib ugu noqdaan Guri-ceel si ay u aadaan Galkacyo kadibna Garoowe.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka waxa sanadki hore shaqadan u diray baarlamaanka Soomaaliya.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR