Xalka Doorashada Wakiilada Q.1aad (WQ: Sacad Aareeye)

Geeddiga hakaday,

Wuu gaabiyee,

Uma noqon gadaal!

Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) AHUN

Hordhac kooban:

Markii Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda 18kii May, sannadkii 1991kii, dalka waxa gacanta ku haysay oo ka talinayaysay Dhaqdhaqaaqii Waddaniga Soomaaliyeed (SNM). Golihii dhexe ee SNM ayaa isku bedelay gole sharcidejin. Nasiibdarro beelaha Somaliland oo dhan kumay wada jirin SNM hase yeeshee waa lagu soo daray oo beelaha dalka dega oo dhan. Shirkii Borama ee 1993kii ayaa hab-beeleed lagu doortay gole wakiilo oo ka kooban dhamaan beelaha Somaliland dega oo dhan. Golihii hab-beeleedka lagu dooran jiray, ayaa lagu bedelay gole cod shacab ku yimid sannadkii 2005tii. Golahaa codka shacab ku yimid muddo xileedkoodu wuxuu dhacayay 2010kii. Nasiibdarro doorasho lama qaban oo ilaa maanta oo aynu joogno 2019ka, weli doorashadoodii in la qabto ayaa la filayaa.

Doorashada golaha wakiilada ee laga dhursugayo inay Somaliland ka qabsoonto, laba caqabadood ayaa hortaagnaa—xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) Iyo Saamiqaybsiga Kuraasta Wakiilada. Tan hore is-afgarad ayaa laga gaadhay oo inay dhamaato ayay ku dhawdahay.

Arrinta labaad ee aan doonayo inaan qormadan kaga hadlaa waa saamiqaybsiga kuraasta golaha wakiilada. Doorashadii 2005tii, waxa lagu heshiiyay in lagu galo sidii 1960kii oo 6da gobol ee maantu ay ahaayeen degmooyin. Waxogaa tannaasul ah ayaa laga sameeyey oo degmada Berbera [gobolka Saaxil] ayaa mudanayaal laga gooyay loogu daray gobollo kale. (Marka aad xisaab ahaan eegto, gobolka loogu daray intii Berbera [Saaxil] laga jaray{-2.5} waa Hargeysa [gobolka Maroodi-jeex 17.5+2.5=20).

Qorshuhu wuxuu ahaa in markaa [2005kii] oo keliya lagu galo qaabkan, lana sameeyo hannaan cusub. Nasiibdarro taasi ma dhicin oo maanta oo la joogo dabayaaqada 2019ka, weli halkii lagama qaadin arrintaa masiiriga ah. Haddaba weydiintu waxay tahay, maanta imisa xal ayaa jira? Aynu xabad-qaadno. Qormadan ayaan kaga hadli doonaa inta xal ee miiska saaran iyo kuwa macquulka ah marka la eego wakhtiga iyo suurtagalnnimadda.

Xalka 1aad:

Markii la qabanqaabinayay doorashadii golaha wakiilada sannadkii 2005tii, waxa lagu heshiiyay in lagu salleeyo kuraastii degmooyinka Berbera, Ceerigaabo, Burco, Borama, Laascaanood iyo Hargeysa oo imika gobolo ah ay heleen doorashadii 1960kii. Tiradii degmo [gobol] kasta ayaa lagu dhuftay 2.5 sidaana waxa kusoo baxday xisaabta lagu fadhiisiyay doorashadii golaha wakiilada ee 2005tii.

Haddii aynu shaxan ku muujino sidii ay u kala heleen degmooyinku doorashadii 1960kii sida uu qoray Cali Jaamac Qalinle, sidan soo socota ayay noqonaysaa:

Tirada Degmooyinka Degmadda Tirada mudane ee 1960kii
1 Hargeysa 7
2 Burco 6
3 Ceerigaabao 5
4 Borama 5
5 Berbera 5
6 Laascaanood 5
  Wadarta 33

(Cali Jaamac Qalinle 2009)

Waxaan isku dayay inaan helo qaabkii loo sameeyey hannaankii lagu galay 2005tii, nasiibdarro se maan helin meel ay ku qoran tahay. Intii aan xogtan baadidoonayay waxaan helay qoraalo badan oo laga qoray ama ku saabsan doorashooyinka Somaliland gaar ahaan golaha wakiilada. Aniga oo ka duulaya hannaankaa lagu jaangooyay doorashadii 2005tii, waxaan dhisay oo hab shaxan (table) ah ku dhigay qaab fudud oo markaaba akhristuhu u fahmi karo degmadii (gobol) laga jaray mudaneyaal iyo tii loogu daray.

Haddii aynu qaab xisaab ah u dhigno sidan soo socota ayay noqonaysaa:

Tirada Degmada Xisaab Sidii looga jaray/ loogu kordhiyay mudaneyaal 2005tii
1 Hargeysa(M/Jeex 7*2.5 17.5 Berbera (-2.5)+17.5 [Hargeysa]=20 20 mudane
2 Burco ( Togdheer) 6*2.5 15 Waxna laguma darin lagumana kordhin 15 mudane
3 Borama(Awdal) 5*2.5 12.5 Borama (12.5)+0.5 [-05 Laascaanood]=13 13 mudane
4 Berbera(Saaxil) 5*2.5 12.5 Berbera (12.5)-2.5=10 10 mudane
5 Laascaanood(Sool) 5*2.5 12.5 Laascaanood 12.5 (-0.5) loogu daray [Borama13] 12 mudane
6 Ceerigaabo(Sanaag) 5*2.5 12.5 *Ceerigaabo (12.5 -05=12 12 mudane

*Badh (0.5) kii laga jaray Ceerigaabo ama Laascaanood meelna laguma darin. Badhka (0.5)Loogu daray Borama waxa laga jaray Ceerigaabo ama Laascaanood. Maadaama oo aanan helin iyada oo sidan xisaab ahaan ugu qoran, ma xaqiijin karo badhka (0.5) la tuuray ama Borama [Awdal] loogu daray kuu yahay. Way se caddahay in 0.5 laga jaray labadaa [Ceerigaabo iyo Laascaanood] midkood loogu daray Borama.

Waxogaa isku tannaasul ah ayaa la sameeyey, si gaar ah Berbera [Saaxil], sidaana doorashadii ayaa lagu galay. Nasiibdarro, golihii berigaa la doortay, fadhiid ayuu noqday, muddo dheer na wuu iska fadhiyay oo waxba lagama dheefin. Ha ugu mudnaato xeerkaa lagu dooran lahaa mudanayaasha iyaga bedeli lahaa. Walow ay ahayd arrin ku xidhnayd daneeyayaal badan, haddana iyaga [golaha] mas’uuliyad gaar ah ayaa ka saarnayd dhamiystirkeeda.

Shuruud ayaa lagu ladhay 2005tii oo ahayd in markan oo kaliya lagu galo doorashada, golaha cusub na ka hawlgeli doono qaab hufan, waara oo lagu wada qanacsan yahay. In la sameeyo hannaan lagu wada qanacsan yahay oo ay ku jirtay is-faham, tiro-koob iyo is-qancin ilaa maanta lama gaadhin. Bishii Feebarweri, 2018kii guddi ka socotay golaha wakiiladu waxay Ambassador Hotel ka jeediyeen warbixin ay kasoo ururiyeen gobolada dalka.  Warbixintu ma ahayn mid sinnaba wax u soo kordhinaysay. Tusaale ahaan gobolka Awdal oo ka mid ah gobolada cabashadu ka imanayso, dadkiisu waxay soo jeediyeen inay ugu dhan tahay oo ku qancayaan tiro-koob la sameeyo oo lagu salleeyo xubnaha golaha wakiilada. Sanaag oo isna kamid ah gobolada tabashadu ka jirto, dadkiisu waxay soo jeediyeen in lagu salleeyo baaxadda iyo khayraadka dhulka ee gobolka (Eeg warbixintii golaha wakiilada ee Feebarweri 2018kii).

Haatan iyo Dan:

Haddii ay noqoto in qaabkan mar labaad lagu galo, waxa muhiim ah in la qanciyo Awdal, Sool iyo Sanaag bari oo tusaale ahaan loo raadiyo bedel kale. Arrin kale ayaa furan oo ah in xisaabtii lagu dhuftay 2005tii ee ah 0.5, la kordhiyo oo aan tiro siman loogu wada dhufan degmooyinkii berigaa—gobollada imika. Tusaale ahaan haddii Borama (Awdal) loogu dhufto 2.8, hal kursi oo dheeraad ah ayaa usoo kordhaya (5*2.8=14). Dheeraadkaasi wuxuu noqon karaa badhkii (0.5) la tuuray ee Ceerigaabo (Sanaag) ama Laascaanood (Sool) laga reebay 2005tii oo dabcan gobol kale 1 mudane ka jaraya. Ama in si gaar ah loogu sameeyo Awdal. Sool iyo Sanaag bari iyaga maxaa laga yeelayaa? Waa isweydiin kale! Maroodi-Jeex iyo Togdheer in mudaneyaal looga jaro kama baaqsanayso ama ugu yaraan midkood. Haddii ay noqoto in 3daa gobol ba loo kordhiyo, waxa lagama maarmaan ah in laba mid la yeelo: in tiro cusub iyo hannaan cusub oo lagu wada qanacsan yahay lala yimaado iyo in dastuurka la furo oo tirada mudaneyaasha wax laga bedelo (Eeg qodobka 40aad ee Dastuurka Somaliland).  Ta ugu macquulsan se waa isku tanaasul iyo meel dhexe oo la iskugu yimaado, maadaama oo ay adag tahay in dastuurka la furaa ama ay ka sal-balaadhan tahay tan isku tanaasulka iyo cabsida jirta ee haddii la furo dastuurka, inay arrintaasi daba furan noqoto oo la maarayn kari waayo.

Qaybaha dambe waxaynu ku soo qaadan doonaa xalalka kale, sida loo maarayn karo iyada oo laga duulayo wakhtiga kooban ee la haysto iyo qodobo kale.

La soco qaybta 2aad

W/Q: Sacad Aareeye

Blogger: Aareeye1.blogspot.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR