Xaqiiqada la dagallanka qabyaaladda. (WQ: Mustafa A. Nuur).

Qabyaaladdu waa isirka iyo abka uu qof ka  farcan yahay oo si taban loogu adeegsado  maaraynta laamihii kale ee nolosha: siyaasaddii, ganacsigii, fursadihii nolaanshaha oo shaqooyinku ugu horreeyeen iwm. Kolkaasi ayuu isirka iyo ab-raacu qabyaalad noqdaa. Way tabantaa oo xumaan ayay soo jiiddaa. Waxa ay sabab u noqotaa in dadkii kala qaloodo oo kala furfurmo isaga oo hayb isku kala soocaya oo kala sad bursanaya wax kasta oo loo sinnaan lahaa haddaan qabyaaladi jirteen.

Beryahan danbe meelo badan oo ka mid ah Somaliland waxa aad ka maqlaysaa weedha “La dagaalanka qabyaaladda”, waxa kale oo aad arkaysaa kooxo u abaabulan in ay dagaalkaa ka qayb qaataan. Niyaddaa wanaagsani waxa ay mudantahay bogaadin. Kooxahaasi se aad bay uga itaal darran yihiin awoodda ku dhaqanka qabyaaladdu ku dhex leeyahay Somaliland. Guud ahaan nidaanka dawladnimo ee Somaliland ka dhisani waxa uu ku aasaasanyahay qabyaalad. Waa lagu soo dhisay, welina ku dhisanyahay. Golayaashu qabyaalad bay ku dooranyihiin, dhammaan laamaha dawaldduna waxa ay ku miisaamanyihiin, haba la kala badsadee qabyaalad. In uu reer miisaankaa hoggaaminta dhankiisa u jiifiyo lafteedu waa qabyaalad ragaadday oo millil leh!

Qabyaaladda waa lala dagaallami karayaa, waana la cidhib tiri karayaa, sida imika ay kooxaha ku hawlani u jihiiyeen se dagaal midho dhala oo guulo laga gaadho ma noqon karo.

Qabyaaladda Somaliland ka jirta waxa ay ka timaaddaa dusha sare, kolkaasay hoos u daadegtaa oo dadka kala qaybisaa. Qabyaaladda waxa abuura siyaasiga, waxaanay ugu xiiso badantahay xilliyada loollanka doorashooyinka iyo dagaallada sokeeye. Labadaa xaaladoodna waxaa hoggaamiya siyaasiyiinta iyo ganacsatada. Kolka la doonayo in la daweeyo- na waxa lagama maarmaan ah in sharciyad lagu xakeemyo loo helo, oo korka laga soo bilaabo.

Ganacsigii dadka oo lagu qiyaaso in uu si buuxda oo muuqata u bilowday qarnigii 16aad badhtamihiisii, waxa uu ahaa baahi shayddaan oo ay qabeen waddamadii Galbeedka ee horumarinta waxsoosaarka ku foognaa. Dabaqadihii sare ee reer Galbeedka ee hoggaaminayay dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa hormuud ka ahaa in dadka la gumeeyo oo la addoonsado; cidkasta oo hor joogsatana cagta marinayay. Haddana 200 oo sanno kaddib tiro yar oo dammiir xalan leh ayaa ku kacday oo hakisay. Waa tusaale fiican oo ay qaadan karaan kooxaha beryahan danbe ku madaddaasha la dagaallanka “qabyaaladda.”

Bishii siddeedaad ee Ogost, 1833-kii waddanka Biritan waxa lagu ansixiyay sharci mamnuucaya in dadka laga ganacsado, ama uu qof yeesho qof kale oo isaga oo kale ah sida alaabta, oo uu sida uu doono ka yeello. Sharcigaasi waxa la yidhaahdaa Emancipation Act. Sharcigaasi waxa uu amrayay in qofkasta oo qof addoon ah haystaa uu xorriyaddiisa siiyo oo faraha ka qaado. Beeraylaydii addoonta beeraha ku qodan jirtay ee markii hore soo iibsatayna waxa la siiyay magdhow. Boqortooyada Biritan waxa ay bixisay lacag lagu qiyaasay 20 milyan oo isterliin (£20,000,000) oo wakhtigaasi joogay. Intaa kumay joogsane, xukuumaddu waxa ay amartay in la joojiyo oo lala dagaallamo doonyaha badda Atlaantiga illaa badda Hidiya ka gudbaya ee ka shaqaynaya ganacsiga dadka, gaar ahaan addoonta laga soo daldalayo Afrika.

1657-kii waxa ka bilowday waddanka Biritan kacdoonno lagaga soo horjeedo addoonsiga iyo ka ganacsiga dadka. Koox yar oo kooban oo lagu magacaabi jiray Quakers ayaa aasaasay dhaqdhaqaaqyadaa lagu diiddanaa in dadka laga ganacsado oo la addoonsado.

Kooxdaasi waxa ay rumaysnnaayeen in dadka oo dhan loo abuuray si isku mid ah, Ilaahay hortiisana ay dhammaantood simanyihiin. Kooxdaasi dhimbbiishii ay shideen may damin, way sii hurtay waxa aanay gaadhay dhulal badan oo kale oo Maraykanka iyo Kanada ka mid yihiin. Fekerkaasi waxa uu soo gaadhay baarlamankii Biritan. Xubno magac iyo maamuus ku dhex lahaa baarlamanka ayaa ku biiray dhaqdhaqaaqaasi. Waxaa ka mid ahaa Sir Cecil Wray iyo William Willberforce. Bishii lixaad ee 1783 xildhibaannadaasi,  waxa ay codkoodii gaadhsiiyeen baarlamaanka, waxa kale oo ay gaadheen kaniisaddii Iglan oo iyaduna awood badan ku lahayd siyaasadda waddanka.

1787 waxa ay sameeyeen guddi ay u bixiyeen Guddida  Cidhibtirka Ka Ganacsida Dadka iyo Addoonsiga. William Willforce waxa uu olole ka dhex bilaabay baarlamaankii, fekerkii joojinta dadka in laga ganacsado-na waxa uu ka dhaadhacsiiyay baarlamaankii. Sannaddii 1807 waddanka Biritan waxa laga mamnnuucay in dadka laga ganacsado. Si buuxda ayaa loo mamnuucay in xitaa maraakiibta laga leeyahay Biritan ay ka qayb qaadan karaan ganacsi noocaa ah. 1833-kii waxa la ansixiyay sharciga illaa maantadaa yaalla ee la yidhaahdo Emancipation Act oo xaaraan-tinnimaynaya in qof nool la kala iibsado oo la addoonsado.

Tusaalahaasi wuu noolyahay, waxaanu marag u yahay in uu markasta halganka xaq-ku-dirirka ahi guulaysto.  Waxa kale oo laga baranayaa in halgamaaga looga baahanayahay in uu fahansanaado jidka uu ku gaadhi karo, guusha halganka uu ku jiro. Wakhtiga guushaa lagu gaadhayaa qiime malaha, ka fekerna uma baahna, waxa se garawsho u baahan in la go’aamiyo jidka ugu habboon ee guul ku gaadhsiin karaya.

Qabyaaladda ka jirta Somaliland waxa asal u ah  sabab yar oo itaal daran.  Qabyaaladi way jiraysaa inta uu jiro maamul aan dadkiisa u caddaalad samaynin. Si kale oo kooban haddii loo yidhaahdo, qabyaaladi way jiraysaa inta dawlad xumo jirto.

Soomaalidu iyaga oo qabiilooyin u kala yaalla ayay dawladnimada ka qaateen mustacmarraddii, taasi se macnaheedu ma aha in aanay noolaan karin qabyaalad la’aan. Qabyaaladda looma sinna, cid gaar ah ayay u shaqaysaa, cid kale oo u badan dadka saboolka ah ee itaalka daranna way saamaysaa.

Haatan iyo dan: qabyaaladda la dagaallankeeda iyo cidhib-tirkeedu-ba waxa uu u baahanyahay ilbaxnimo iyo is-dhexgal bulsho oo horseed ka noqota in dadku isku kooxaystaan sida ay isku oggolyihiin oo keliya.  Dagaalkaasi bilowgiisu waa in uu laba jiho yeesho, mid sharci ah. Taasoo macnaheedu uu yahay in loo helo sharci lagu xakamayn karo, midda kalena dalka oo laga hirgeliyo caddaalad. Haddii sinnaanshaha bulshada ee khayraadka iyo laamaha kale ee dawladnimadu uu hirgalo, adeegga dawladnimadana uu daboolo baahida joogtada ah ee qofka, qabyaalad cidna waxba ku fali mayso.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR