Xarun ay lahaayeen Al-Shabaab oo duqeyn lagu burburiyey + khasaaraha

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Africa ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradahooda shalay gelinkii dambe ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday xarun ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Buulo-Falaay oo hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Africom ayaa shaacisay in duqeyntan lagu burburiyey dhismaha xarunta Al-Shabaab ee ay beegsadeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Sidoo kale Africom ayaa intaasi ku sii dartay in weerarkan lagu dilay mid ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

Ugu dambeyn Africom ayaa hoosta ka xariiqday in weerarkaasi dhanka cirka ah ay kala kaashadeen ciidamada Soomaaliya, islamarkaana aanu jirin khasaare soo gaaray rayidka.

“Annaga oo garab istaageyna Saaxiibadeena(Soomaaliya), waxaan qorsheyneynaa inaan uga tagin meel amaan ah oo al-Shabaab ay ku dhuumato,” ayaa lagu yiri warka Africom.

Si kastaba maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa kordhoyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan koonfurta dalka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR