XASAASI: Kadib Guushii Kulankii Xalay AY PSG Ka Gaartey Celtic Muxuu Neymar Sameeyey kulankaasi Intii Lagu Jirey???

Neymar ayaa diiday inuu ka badasho maaliyadiisa islamarkaana uu gacan qaado ama salaamo xiddiga dhalinyarada ah ee kooxda Celtic Anthony Ralston.

Daafaca Celtic ayaa umuuqday mid mar hore ka careysiiyay Neymar kadib markii uu ku qoslay ciyaaryahanka adduunka ugu qaalisan intii ay soctay ciyarata.

Ralston ayaa waqti adag qaatay kulankaan, iyadoo Paris Saint-Germain ay shan gool dhalisay kulankii ka dhacay Celtic Park.

18 jirkaan ayaa ka careysiiyay markii hore Neymar oo silama filaan ah u xusuusiyay Ralston inay hogaanka ugu hayaan 3-0, isagoo waliba farahiisa isticmaalayay.

Laakiin Neymar ayay waqtigaas isku dhaceen daafaca kooxda Celtic ninka lagu magcaabo Ralston, iyadoo ciyaratooyda labada koox ay kusoo xoomeen.

Ralston ayaa labo qalad ku sameeyay Neymar oo £ 198million ku fadhiya, iyadoo garsoore Daniele Orsato waxba uusan kasoo qaadin.

Sawirada fiidiyoowga ayaa muujinayay in daafaca uu ku qoslay wajiga Neymar ka dib markii Kylian Mbappe dhaliyay goolka saddexaad.

Waxaa la fahamsan yahay in weeraryahankii hore ee Barcelona uu diiday inuu maaliyadiisa ka bedesho xiddiga Celtic islamarkaana uu salaamo kadib dhamaadkii ciyaarta.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR