XASAASI: Maxaad Kala Socotaa Rikoorkii Uu Xalay Mbappe Dhigey Kulankii Uu Kooxdiisa Champions League-ga U Saftey???

Cayaaryahanka dalka France ee u dheela Naadiga PSG Kylian Mbappe ayaa Taariikh Cusub ku soo kordhiyey koobka UEFA Champions League kadib Goolkii uu u dhaliyey Naadigiisa kulankii ay xasuuqeen kooxda Celtic’

Kylian Mbappe ayaa Noqday Cayaaryahankii ugu da,da yaraa ee Taariikhda koobka Champions League Goolal u dhaliya 2 Kooxood oo kala duwan waxaana uu xiligaan jiraa Cayaaryahanka dalka France 18 Sano mana jiro Xiddig da.daas jira oo laba kooxood Goolal u dhaliyey.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa u xoog sheegtay Naadiga Celtic oo ay uga badiyeen 5 Gool Waxaana Wacdaro dhigay Cayaaryahanka Caalamka ugu qaalisan ee Neymar kaas oo dhaliyey Gool isla Markaana Caawiyey Goolasha kale.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR