XASAASI: Xidhiidhka Juventus & Cristiano Ronaldo Oo Maraya Meel Xiisad Leh & Xiddiga Oo Isaga Tagay Ciyaartii Ac Milan Oo Socotay, Maxaa Sabab.

Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ka tagay ciyaartii ay kooxdiisa Juventus la ciyaaraysay ka hor intii ayna ciyaartu dhamaan kadib markii uu si xun uga xanaaqay badalkii lagu sameeyay.

Ac Milan ayaa ka qaab ciyaareed fiicnayd kooxda Juventus iyaga oo sameeyay fursadaha ugu fiican ciyaarta laakiin Markii uu Paulo Dybala badalay Ronaldo daqiiqadii 55-aad waxa ay u samaysay farqi maadama uu Dyabala kooxda u dhaliyay goolka guusha.

Ronaldo ayaa u muuqday mid si weyn uga xanaaqay badalkas waxana uu si toos ah uga baxay ciyaarta isaga oo si toos ah u aaday qolka Labiska.

Sky Sport ayaa sheegaysa in uu xiddiga CR7 gabi ahaan si toos ah isaga tagay garoonka ka hor ciyaarta oo aan dhamaan gaar ahaan 3 daqiiqo ka hor intii ayna ciyaartu dhamaan.

Ronaldo ayaa sidoo kale badal lagu sameeyay kulankii Lokomotiv Moscow taas oo keentay sidoo kale in uu si weyn uga xanaaqo badalka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR