Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir uga qeyb galay Ghana

xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta 4-9-2019 wuxuu magaalada Accra ee dalka Ghana kaga qeyb galay Madasha Amniga iyo Nabadda ee Koofi Anaan (Kofi Annan peace and Security Forum, KAPSF). Waxaana looga hadlayay Wadaagidda waayo-aragnimada loo leeyahay ka hortagga kooxaha xagjirka ah iyo argagaxa ay ka fuliyaan wadamada ay ka jiraan. Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Tababarka Nabad Ilaaliyeyaasha Caalamka ee Koofi Anaan (Kofi Annan International Peacekeeping Training Center) ayaa guddoomiyaha xisbiga UPD mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay wuxuu kaga hadlay waayo-aragnimada ay Soomaaliya u leedahay arimahaasi. Waxaana ka qeyb galeyaashii shirka ay aad usoo dhaweeyeen dadaalkii dheeraa ee ay Soomaaliya soo gashay, waxyaabihii u qabsoomay iyo kaalintii uu mudane Xasan Sheekh Maxamuud kasoo qaatay, ayadoona Shahaado sharaf la gudoonsiiyay .

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR