XASUUSIN: Halkee La Kala Marayaa Gool Dhalinta Tartanka Champions League.

Tartanka Champions League ayaa Jimcaha dambe dib u soo laaban doona kadib muddo 4 bilood ka badan oo aan la ciyaarin sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Tartanka ayaa lagu bilaabi doonaa kulamadii lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League ee loo baajiyay sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Kooxaha Man City Vs Real Madrid, Juventus Vs Lyon, Bayern Munich Vs Chelsea iyo Barcelona Vs Napoli ayaa la ciyaari doonaa todobaadka dambe dambe ka hor inta aan loo gudbin wareega 8 dhamaadka tartanka.

Hadaba waxa aan Akhristayaasha xanuunsin doonaa halka la kala marayo gool dhalinta champions League ka hor inta aan dib loo bilaabin xilli ciyaareedka tartanka.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa hogaaminaya gool dhalina tartanka champions League isaga oo dhaliyay 11 gool.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa dhaliyay 10 gool tartanka inkasta oo ay kooxdiisu ka hadhay tartanka xilli ciyaareedkan.

Hadaba Halkan hoose kaga bogo Xiddigaha ugu gool dhalinta badan champions League xilli ciyaareedkan:

Laacib.net
Lambarka Xiddiga Kooxda Goolasha
1 Robert Lewandowski Bayern Munich 11
2 Erling Haaland Salzburg/Borussia Dortmund 10
=3 Dries Mertens Napoli 6
=3 Harry Kane Tottenham 6
=3 Serge Gnabry Bayern Munich 6
=6 Kylian Mbappe PSG 5
=6 Raheem Sterling Manchester City 5
=6 Heung-Min Son Tottenham 5
=6 Gabriel Jesus Manchester City 5
=6 Memphis Depay Lyon 5
=6 Mauro Icardi PSG 5
=6 Lautaro Martinez Inter 5
=6 Josip Ilicic Atalanta 5
=13 Karim Benzema Real Madrid 4
=13 Mohamed Salah Liverpool 4
=13 Mislav Orsic Dinamo Zagreb 4
=13 Timo Werner RB Leipzig 4
=13 Rodrygo  Real Madrid 4
=13 Marcel Sabitzer RB Leipzig 4
=13 Achraf Hakimi Borussia Dortmund 4
=13 Quincy Promes Ajax 4

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR