Xavi Hernandez Oo Ka Sheekeeyey Kaartadii Pep Guardiola Ee Sababtay In Ay Real Madrid El Clasico Gurigooda 6-2 Ku Garacaan

Kaarto ciyaareedka cajiibka ah ee Pep Guardiola waxaa amaanay Xavi kaas oo sheegay in ay sabab u ahayd in ay Real Madrid 6-2 kaga badiyaan El Clasico.

Mid ka mida kulamada tirade yar ee El Clasico oo ay hal koox ku amarka taagleyso, Barca waxa ay 2009 uga badsay Estadio Santiago Bernabeu 6-2.

Waxa uu ahaa tababaraha haatan ee Manchester City kaas oo safay Messi in uu lahaa saameynta guushaas sida uu sheegay Xavi.

“Kulankaas waxa uu ahaa kii uu Messi cayaarsiiyey lambar sagaal faalso ah,” ayuu soo xusuustay laacibkii hore ee khadka dhexe oo u warramaya Daily Mail.

“Waxa uu ogaa in daafacyada dhexe ee Madrid aysan soo dagi doonin si ay u ciriiriyaan Messi marka uu soo boxo taas waxa ay ka dhigneyd in Messi, aniga iyo Andres Iniesta aan saddex ku noqon karnay labadooda ciyaaryahan ee dhexda.

“Waxa uu noogu cel celiyey ‘Halkaas waa meesha uu kulanka jiro, meesha ay ciyaartu taal! Waana badinay.”

Xavi waxa uu milicsaday maalmihii hore ee Guardiola ee Camp Nou, xilligaas oo aysan kaartiistaha kalsooni ku qabin laakiin khadka dhexe waxa uu daaha ka rogay in isaga iyo ciyaaryahanada ay koox wadaaga ahaayeen aysan marnaba kartidiisa shaki galin.

“Shaki wuu jiray markii uu bilaabay Barcelona. Waxaan xusuustaa waxaan ku bilownay guuldrro iyo bar bar dhac,” ayuu sheegay laacibka 2010kii ku guuleystay koobka aduunka.

“Laakiin xataa kulamadaas hore waxaan u sheegi jiray saaxiibadeyda igu dhaw iyo qoyskeyga, ‘Haddii aad aragtaan sida aan u tababarano waxaan ku guuleysan doonnaa koobab.’

“Pep xogaa qal qal ayaa ku jiray! Waxa uu u ciyaarayey mustaqbalkiisa, laakiin waxyaabaha si qurux badan ayey noqdeen maxaa yeelay wax walba wan ku guuleysanay, kaliya wax walba kuma guuleysan, waxa ay ahayd sida aan uu guuleysanay.”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR