Xidigaha Isku Qaaday World Cup Iyo UCL Hal Sano, Iney Xidigaha Real Kaliya Sidaas Sameeyen, Sida Ay Bayern & Jarmalkii Galbeed U Dumiyeen Dunida 74-kii & Xiriirka Labada Tartan.

Afar sano walba – waxaan nasiib u helnaa inaan daawano koob loogu magac daray “World Cup” kaas oo ay ku dagaalamaan 32-xul oo dunida dacaladeeda ku kala yaala siyaabo kala duwanna uga soo qeyb galay tartankaas.

Sanadkaan waxaa la isugu imaan doonaa dhulka qabow ee Russia, jariiradda Marca ayaana soo dhiraan-dhirisay xidigaha nasiibka u helay iney hal sano calaf u helaan koobka Champions League iyo Koobka Aduunka.

Guud ahaan tan iyo markii magaca Champions League la bixiyay kaliya sadex xidig ayaa nasiib u helay iney ku guuleystaan koobka Aduunka iyo Champions League – Sami Khedira ayaana ahaa xidigii ugu dambeeyay ee sidaas sameeya kaas oo Lisbon kula hantay Real Madrid koobkii 10-aad ee Champions League sidoo kalana koobka Aduunka kula qaaday wadankiisa Jarmalka ciida Brazil.

Sanadkii 2002 waxaa sidaas sameeyay Roberto Carlos oo Real Madrid la qaaday koobkii 9-aad horyaalada yurub sidoo kalana dalkiisa Brazil la qaaday koobkii Aduunka ee lagu madlay Japan iyo Koonfurta Kuuriya.

Christian Karembeu ayaa sidoo kale sameeyay kaas oo isagoo Madrid ku sugan ku guuleystay koobka Aduunka sanadkii 1998 markii ay finalkii ciidooda ku dileen Brazil, halka uu Real Madrid la qaaday koobkii 8-aad ee horyaalada yurub iyagoo 1-0 ku dilay Juventus.

Marka lasoo hadal qaado taariikhda tartanka European Cup 10-xidig ayaa guud ahaan sameeyay taariikhdaan kuwaas oo 7-ka mid ah ay u ciyaareen xulkii Jarmalka Galbeed iyo kooxda Bayern Munich kuwaas oo hantay koobkii Aduunyada ee 1974.

Hans-Georg Schwarzenbeck, Paul Breitner, Franz Beckenbauer, Gerd Müller, Uli Hoeneß, Jupp Kapellmann iyo goolhaye Sepp Maier ayaa Bayern Munich kula guuleystay koobkii European Cup ee 1974 markaas oo ay ka guuleysteen Atletico Madrid, halka ay ka tirsanaayeen Jarmalkii galbeed ee 2-1 ku qaarijiyay Netherland.

Sanadka 2018 – waa gabagabada koobka Champions League ee bishaan daaha laga qaaday, waxana la sugi doonaa ciyaartoyda nasiibka u heli doonta iney ku guuleystaan labada tartan.

Adiga Ayaan yey kula tahay iney rikoorkaas sameyn karto? Fikirkaaga qeybta hoose ku reeb.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR