Xidigan Ay Doonayso Arsenal Oo Isaga Dhaqaaqaya Kooxdiisa.

Kooxda tababare Unai Emery oo kulamadii ugu danbeeyay soo bandhigaysay qaab ciyaareed qurux badan, kaas oo ay taagrayaashu kooxdu aad ugu riyaaqeen.

Kooxda Gunners ayaana suuqa ka baadi goobaysay xidiga garabka ka ciyaara kaas oo caawin xidigaha Alander Lacazette iyo Aubameyang.

Si kastaba ha ahaatee, Sun Sport ayaa daabacday in Nicolas Pepe uu diyaar u yahay in uu isaga dhaqaaqo kooxdiisa Lille, iyada oo lala xiriirinayo in uu u dhaqaaqi karo Kooxda Arsenal oo doonaysa xidigan.

Kooxda Emirates ayayna macquul tahay in ay hesho xidigan da’da yar maadaama uu doonayo in uu isaga dhaqaaqo kooxdiisa Lille.

Gunners ayaana waqtigan haysan xidigo tayo leh oo ka ciyaari kara garbaha weerarka, marka laga tago Alex Iwobi oo loo arko xidig Arsenal usoo baxay waqtigan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR