XILA-JANNO By Shiiqaaloow

Qurux, asluub, deggannaan, aqoon iyo dhawrsanaan ayay isku darsatay, caddaan, dherer, isku dheeli-tirnaan & jalaqsanaan ayaa Alle hibo u siiyay, qunyar-socodnimo, dabeecad wacan, udgoon iyo af macaan ayay u dhalatay, xaafaddeeda Xamar-Jadiid aad ayaa looga jecelaa, wanaag, xaq dhawr iyo u kaalmaynta bulshada ayaa astaan u aheyd.

Sannadkii Afaraad ayay wada nool yihiin Xila-Janno iyo Odaygeeda, Xubbi, Macaanoow, Xabiibi iyo ereyo u badan ammaan ayay ugu yeertaa seygeeda, farxad iyo dhoola caddeyn ayay ku soo dhaweysaa xilli walba oo uu imaanayo, xiisaha ay ku abuurtay darteed guriga ayuu maalin walba u soo deg-degaa!

Mataanaha Xaafadda ayaa loogu yeeraa, Qeys iyo Leyla ayaa lagula kaftamaa, jaceyl aan dhamaad laheyn ayay siisay, habeenada qaarkood iyaga oo wada socda ayay magaalada u soo casho doontaan, Kalsooni aan xad laheyn ayaa dhex taalo, toddobaadkiiba hal mar ayay si wadajir ah u soo booqdaan waalidiintooda, farxad iyo Duco ayay kala soo laabtaan.

Muddo dhawr sanno ah ayay Xila-Janno iyo saaxiibkeed ku wada noolaayeen waayahaas macaanta badan, nasiib-darro Mataanihii waa la soo weeraray, wadaadkii qabay Xila-Janno ayaa dal-daloolo laga helay, sheeko iyo war aan jirin ayaa lagu afuufay, shaki ayaa akhyaarkii lagu beeray!

Farxaddii, wada sheekaysigii iyo qaraaxaddii u dhaxaysay labadooda ayaa luntay, dareen ayaa Xila-Janno galay, dhawr jeer ayay is weydiisay maxaa helay saaxiibkaa? halka laga asiibay ayay garan weyday.

Habaeen ka mid ah habeennada ayaa Mataanihii Caashaqa waxaa dhex martay dood ku saabsan isbadalka ku dhacay odaygeeda, Xila-Janno oo hadalka bilowday ayaa weydiisay seygeeda waxa ku dhacay? Maya.. Maya ayuu la soo booday, sidii uu isu Dabaalinayay ayuu markii dambe la wadaagay arinta jirta!

Isaga oo hoos eegaya ayuu yiri : “Abaayo waxaan filayaa inaan calaf u laheyn inaan ilmo isu dhalno, sidaasi daraadeed waxaan ku talinayaa inaan kala wareegsano”

Furiin ayaa sheekadii lagu soo gaba-gabeeyay, Xila-Janno Garoob ayay noqotay laakiin meel dhaw ayaa Alle wax ka siiyay, Guur labaad ayay gashay, haatan waa Hooyo haysata dhawr caruur ah, Alla ayaa mahad leh, gabadhii shalay loo furay waa Ma-Dhasho waa taa haysata ciyaalkaa yar-yarka ah!

Raggoow ha fududaanin, ku kalsoonoow qadarka Alle, tixgali walaashaa kula nool, gabar ku jecel ha sii deyn, ha samaynin ku takri fal, ogowna shalaaydu ma horeysee waa dambaysaa!

Shiiqaaloow Xassan

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR