Xildhibaan Faarax C/qaadir: Dowladda dhaqan cusub oo aan horay u jirin ayeey la timid

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka tirsan golaha Shacabka Somaliya ayaa sheegay Siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda Federalka Somaliya inay la kulmayaan culeesaad ku aadan ceebeyn iyo weerar kaga yimaada Xukuumadda Somaliya.

Faarax Sheekh C/qaadir oo Wareysi gaar ah siiyay Warbaahin lagu magacaabo Sooyaal, ayaa wuxuu tilmaamay hab dhaqan cusub inay la soo baxday Xukuumadda Somaliya oo ku aadan in la cabsi galiyo Siyaasiyiinta tilmaamaya dhaliilaha kala duwan ee Xukuumadda ay leedahay.

Taageerada dowladda ayuu sheegay inay ka wada sinaayeen Siyaasiyiinta & Shacabka, taasina ay muujinayso sida ugu haboon ee Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen xilligii Ra’iisul Wasaaraha la soo magacaabay ee Golaha la horgeeyay, sidoo kalena ay ansixiyeen Golaha Xukuumadii uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Khayre.

“In la cambaareeyo oo la ceebeeyo oo lala dagaalamo qofka kaa ra’yiga duwan waa dhaqan cusub oo dowladdan cusub la timid, wixii wanaagsan waa lagu taageerayaa laakiin jidka qaloocan marka la tilmaamo dadka ayaa loo muujinayaa” ayuu yiri Faarax C/qaadir.

Dowladda Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waday hanaan ku aadan in la afqabto oo si wayn loo caburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda Federalka Somaliya.

Dabayaaqadii sanadkii 2017-kii ayeey aheyd markii weerar abaabulan dowladda ay ku qaaday guri uu Muqdisho ka degan yahay Siyaasiyiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ah Siyaasi si wayn u mucaaradsan hanaanka ay ku shaqeyso dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR