Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay yeelan doonaan kulankooda 15-aad Kalfadhiga 5-aad, waxaana looga hadli doonaa arrimo dhawr ah.

Ajandaha kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ah U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada, Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud & Somtel iyo Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda.

Habdhowrka Baarlamaanka Somaliya ayaa xaqiijiyay in Ajandaha sida gaarka ah loo falanqeyn doono uu yahay Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud & Somtel.

Ciidamada Booliska ayaa sidii caadada aheyd waxa ay xireen wadada horumarta xarunta Golaha Shacabka, waxaana halkaasi si aad ah loogu baarayaa gaadiidka ay wataan shaqsiyaadka ka tirsan Dowladda.

Maalmahan dambe ayaa waxaa si joogto ah u baaqanayay kulamada Baarlamaanka, kooram la’aan awgeed, balse maanta lama oga sida uu xaalka ahaan doono.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR