Xiriirka UEFA Oo Baaraya Gonzalo Higuain Kadib Markii Uu Farta Dhexe U Taagay Jamaahiirta Barcelona & Cadaawad Hore Oo Ka Dahxeysay.

Weeraryahanka Juventus Gonzalo Higuain ayaa ganaax kala kulmi kara xiriirka qaaradda yurub ee UEFA kadib markii uu farta dhexe u taagay jamaahiirta Barcelona intii lagu guda jiray kulankii ay kooxdiisa 3-0 qasaaro ah ku dugoomeen Camp Nou.

Jamaahiirta Barcelona ayaa si weyn ugu oriyay xidiga reer Argentina markii badal lagu sameeyay qeybahii ugu dambeeyay ciyaarta, madama ay wali u hayaan cadaawadii kulanka El-Clasico madama uu dhawr jeer yimid garoonkooda isagoo matalaya kooxda Real Madrid.

Saxiixa ugu qaalisan Bianconerri wuxuu ku jahawareeray garoonka, mar kale ayuuse baxar galiyay madama uu si aan akhlaaq aheyn ula dhaqmay jamaahiirta uu martida u ahaa.

Gonzalo Higuain 13-kii kulan ee ugu dambeeyay oo uu wajaho Barcelona wax gool ah kama dhalin marka la jamciyo maalmahiisa Madrid iyo maalmahiisa Juventus, 10-jeer isagoo matalaya Los Blancos ayuu ku fashilmay halka 3-jeer uu ku fashilmay isagoo ku sugan Bianconerri.

Xiriirka qaaradda yurub ee UEFA ayaa haatan baaraya hab dhaqanka Gonzalo Higuain, muuqalada la helay ayaana muujinaya in xidiga reer Argentina uu si caro leh uga jawaab celiyay orintii iyo qeyladii jamaahiirta ee isaga ku aadaneed.

FIFA ayaa baaritaan wali ku wada Delle Alli kaas oo farta dhexe taagay xilli uu matalayay qaranka England kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada qaaradda yurub.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR