XOG: Divock Origi Oo Ah Nasiibka Liverpool Ee Xilli Ciyaareedkan & Xog Muujinaysa Oo La Helay.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Divock Origi aya xilli ciyaareedkan ah Nasiibka ay ku socoto kooxda Liverpool sida ay muujinayso xog laga helay kulamada ay kooxda Liverpool ciyaartay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Inkasta oo uuna wax gool ah u dhalin kulamada uu kooxdiisa Badbaadiyay hadana kooxda Liverpool ayaa guul gaadhay mar walba oo uu badal ku soo galo kulamada lagu dhagan yahay kooxdiisa.

Divock Origi ayaa xilli ciyaareedkan badal ku soo galay kulamo lagu dhagan yahay kooxdiisa laguna hayo bar-baro laakiin ugu dambayn guul gaadhay inkasta oo uuna wax gool ah dhalin.

Kulankii ugu horeeyay ayaa ahaa kulankii Sheffield United iyada oo Reds lagu hayay bar-baro gool la,aan ah laakiin Origi ayaa badal ku soo galay daqiiqadii 64-aad isaga oo badalay Jordan Henderson.

Laakiin daqiiqadii 70-aad ayay Liverpool dhalisay goolka guusha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum kaas oo goolka dhaliyay 6 daqiiqo kadib markii uu Origi badalka ku soo galay.

Kulankii 2-aad ayaa ahaa kulankii champions League ee ay Reds ka ciyaaraysay kooxda Salzburg waxana Liverpool lagu hayay 3/3 ka hor inta uuna Origi badal ku soo galin isla daqiiqadii 64-aad isaga oo lagu badalay xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum laakiin Reds ayaa daqiiqadii 69-aad dhalisay goolka guusha iyaga oo uu u dhaliyay Mohamed Salah kaas oo goolka dhaliyay 5 daqiiqo kadib markii badalka lagu soo galiay Origi.

Kulanka 3-aad ayaa ahaa kulankii ay la ciyaareen kooxda Leicester City kaas oo ay ciyaartu maraysay 1/1 markii Divock Origi la soo galiyay daqiiqadii 78-aad iyada oo lagu badalay Roberto Firmino.

Laakiin daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayay Liverpool dhalisay goolka guusha iyada oo uu James Milner u dhaliyay goolka kadib markii rikoodhe loo dhigay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR