XOG: Isku Aadka Manchester United iyo Barcelona Oo Ah Markoodii SHANAAD Ee Tartamada Yurub – Sidee Loo Kala Guuleystay Afartii Wakhti Ee Hore?

Kooxaha Manchester United iyo Barcelona ayaa isku aaday wareega siddeed dhammaadka Champions League isku dhac xiiso leh iyadoo labada dhinac ay u tahay markii shanaad ee ay is arki doonaan tartamada Yurub.

Kooxahan ayaa ah kuwo kulamo hore oo taariikhiya soo wadaagay waxaana sidoo kale uu isku aadkani mid fiican u yahay tababaraha Manchester ee Ole Gunnar Solskjaer kaas oo xusuuso cajiib ah kuleh gegida Barcelona ee Camp Nou.

Solskjaer ayaa ahaa dhaliyihii goolka guusha ee Champions League 1999 markaas oo ay kooxdii Sir Alex Ferguson tartankan kaga soo guuleysatay Bayern Munich kulan Camp Nou ka qabsoomay.

Haddaba, Labadan kooxood ayaa tiraba hore ugu soo kulmay koobabka Yurub afar jeer oo laba isku dhac ahaayeen kuwo laba lugood ah halka laba kulan ay ahaayeen Final-ka CL.

Barcelona ayaa soo guuleysatay labada Final Champions League iyaga oo Stadio Olampico iyo Wembley Stadium kaga kala qaaday koobka sanadihii 2009 iyo 2011.

Dhinaca kale labada isku dhac ee labada lugood ahaa ayay Red Devils ahaayeen kooxda soo gudubtay labada jeerba oo kala ahaa sanadihii 1999 iyo 2008 oo ah laba xilli ciyaareed ee ay Man United kusoo guuleysatay tartankan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR