XOG: Miyuu Karim Benzema Ka Bixi Doonaa Inkaarta Ka Haysata Kooxda Dalkiisa France Ee Paris-Saint Germain?


Karim Benxzema ayaa rekoodh aad u liita ku leh kooxda dalkiisa France ka dhisan ee Paris-Saint Germain iyada oo markale uu isku dayi doono in uu ka baxo abaartii gool la’aanta ee uu kala soo kulmi jiray PSG.

Karim Benzema waa xidiga ugu muhiimsan weerarka kooxda Zinedine Zidane ee Real Madrid waxaana la filayaa in marka ay PSG iska hor yimaadaan uu noqon doono xidiga ay inta ugu badan ka walwali karaan laakiin rekoodhkiisa Paris waa mid aad u liita.

Karim Benzema ayaa kooxda Paris-Saint Germain ka hor yimid 10 kulan oo kala duwan, wuxuuna 9 ka mid ah ku fashilmay in uu wax goolal ah ka dhaliyo.

Xidiga reer France ee Karim Benzema ayaa hal kulan oo kaliya shabaqa ka soo taabtay kooxda Paris-Saint Germain kaas oo ah sanadkii 2006kii.

Kulanka kaliya ee uu Karim Benzema halka gool ka dhaliyay PSG waxa uu ahaa kulankii Trophée des Champions ee markii uu ka tirsanaa kooxdiisii hore ee Olympique Lyon waana kulan la ciyaaray July 2006.

Laakiin laba jeer oo hore oo uu Karim Benzema kooxda PSG kaga hor yimid Real Madrid iyo 7 jeer oo kale oo uu Lyon kaga hor yimid waxa uu garoonka ka baxay isaga oo aan wax goolal ah dhalin.

Halkan kaga bogo xogta aanu Benzema jeclaysan karin ee uu ku leeyahay kulamadii uu ka hor yimid kooxda PSG ee uu habeen danbe isku diyaarinayo.

Xogta Karm Benzema Ee Kulamadii PSG

Karim Benema ayaa kulankii ugu danbeeyay ee kooxdiisa Real Madrid ee ay guusha ka gaadhay Levante waxa uu soo dhaliyay laba gool wuxuuna kulanka PSG iskeenayaa isaga oo kalsooni fiican qaba.

Laakiin waxaa lays waydiinayaa miyuu ka bixi doonaa abaartii xumayd ee ka soo haysatay kulamadii uu ka hor yimid kooxda PSG?.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR