XOG: Shan Arimood Oo Laga Bartay Kulankii Ugu Horeeyay Ee Uu Frank Lampard Barbaraha Niyadjabka Leh Ugu Bilawday Waayihiisa Chelsea.


Frank Lampard ayaan bilaabashadii uu ka doonayay kooxdiisa Chelsea ka helin kulankiisii ugu horeeyay isaga oo tababaraha Blues ah. Lampard ayaa barbaro ku bilawday waayihiisa tababaranimo ee Chelsea kadib markii ay kooxda Bohemians dhamaadkii ciyaarta goolka barbaraha keensatay.

Jamaahiirta kubbada cagta ayaa falcelin xun ka sameeyay in Lampard uu kulankiisii ugu horeeyay guul ka gaadhi kari waayay kooxda yar ee Bohemians waxayna saadaaliyeen in sida ugu deg dega badan shaqada looga caydhin doono.

Laakiin waxaa jira ilaa shan qodob oo  looga halay barbarihii ay wiilasha Frank Lampard  la galeen kooxda Bohenmians. Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo koobaysa shantan qodob.

1- Chelsea Waxay U Xoogan Tahay Tirada Ciyaartoyda

Tirada ciyaartoyda kooxda Chelsea ayaa ah kuwo aad u badan isla markaana ayna suurtogal ahayn in Lampard uu wada maamuli karo. Waxaa amaah laga soo celiyay 40 ciyaartoy waxaana kulankii saaxiibtinimo ee Bohemians diyaar ku ahaa 22 xidig.

Laakiin liiska ciyaartoyda sidan u badan waxaa inta badan wajiyadooda si fiican loo garanayay Cesar Azpiliueta,  Willy Caballero , Kenedy, Danny Drinkwater iyo Michy Batshuayi, waxayna inta kale u badnaayeen da’yar uu Lampard ka dhex raadinayo kuwo uu kooxdiisa ku xoojiyo.

Lampard ayaa haddaba maamulaya 35 ciyaartoy laakiin waxaa fasax kaga maqan ciyaartoydii muhiimka ahayd ee uu ku shaqayn lahaa waxayna taasi muujinaysaa in tirada xooganaanta Chelsea ay aad u sarayso taas oo keeni doonta in xidigo badan amaah ama iib lagu diri doono.

Laakiin arinta xiisaha badan ee Lampard laga sugayaa waxaa qaabka uu ciyaartoydan ku maamuli doono xiliga kulamada saaxiibtinimo si uu go’aan uga gaadhi karo ciyaartoyda uu kooxda kowaad ku xoojin doono.

Riix 2,3 si aad xogta oo dhan u akhrisato

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR