Xog: Waan waantii laga dhex waday Rooble iyo musharaxiinta oo is-faham laga gaaray

Xog: Waan waantii laga dhex waday Rooble iyo musharaxiinta oo is-faham laga gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay waan-waantii laga dhex-waday golaha midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegeysa in is-faham laga gaaray caawa.

Ilo ku dhow dhow xubnaha Ergada waan-waanta ka dhex wada Ra’iisul Wasaaraha iyo Murashaxiinta Mucaaradka ayaa Caasimada Online u sheegay in dhinacyada ay ku heshiiyeen inay berri kulan qado ah ku yeeshaan Hotelka Decale, kulankaas oo ay ka qeyb-galayaan Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in is-afgaradka uu yimid kadib markii Rooble uu aqbalay laba ka mid ah ah saddex qodob oo ay soo gudbiyeen musharaxiinta. Qodobadan ay musharaxiintu ku xireen la kulanka madaxdaas ayaa kala ahaa:

1- In la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.
2- In bannaan baxa la ogolaado.
3- In shirarka wadatashiga qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa aqbalay labada qodob ee hore, balse qodobka saddexaad ee ka qeyb-galka shirarla ayuu sheegay inuu yahay mid ku xiran madaxweynaha, oo gacantiisa ka baxsan.

Arrintan ayaa imaneysa in ayada oo Golaha Midowga musharaxiinta Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ay mar kale ku celiyey in banaan-baxa ay dhigayaan Jimcaha soo socda, iyagoo sharci darro aysan aqbali doonin ku tilmaamay go’aankii ay shalay xukuumadda xil-gaarsiintu ku sheegtay in wax banaanbax ah aan Muqdisho lagu qaban karin.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR