Xogta Lionel Messi Ee Kulamada Uu Kooxaha England Wajaho Oo Haatanba Wer-Wer Ku Haysa Man United & Tirada Goolasha Uu Ka Dhaliyay Koox Kasta Oo Ingiriis Ah.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa kusoo laaban doono carriga England isaga oo soo booqan doona gegida kooxda Manchester United ee Old Trafford lugta hore ee wareega siddeed dhammaadka Champions League.

Messi ayaa haatanba wer wer kusii ridaya jamaahiirta Manchester United maadaama oo uu jecel yahay wajahista kooxaha ka socda Premier League isla markaana uu kasoo dhaliyay goolal ka badan kuwa uu ka dhaliyay kooxaha horyaalada kale ee Yurub.

31 jirkan ayaa 22 gool wadar ahaan kasoo dhaliyay shan kooxood ee Premier League ah oo uu ku wajahay tartamada rasmiga ah ee qaarada Yurub.

Haddaba kooxdee ayuu Lionel Messi ugu jecel yahay inuu shabaqeeda gaadho kooxaha England miyayse Manchester United dhibane weyn u noqotay?

Kooxda uu Lionel ugu jecel yahay ayaa ah kooxda ree London ee Arsenal oo uu kasoo dhaliyay 9 gool dhammaan kulamadii uu wajahay waxaana xusid mudan inuu hal kulan kaga soodhaliyay afarley cajiib ah.

Kooxda labaad ee uu Messi shabaqeeda inta ugu badan gaadho ayaa ah Manchester City oo uu kasoo dhaliyay lix gool dhammaan kulamadii uu wajahay.

Chelsea oo hore u ahayd koox kulamo badan shabaqa ka ilaashatay Messi ayaa xilli ciyaareedkii hore wadada u furtay waxaana uu ku leeyahay xisaabteeda saddex gool.

Manchester United oo ah kooxda uu haatan laba kulan la ciyaari doono iyo Tottenham oo uu xilli ciyaareedkan hal kulan lasoo ciyaaray ayuu kasoo dhaliyay min laba gool.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR