Xornimada iyo xijaabka (WQ: Mustafa Xasan Xiis-liqe)

“𝙄𝙡𝙚𝙚𝙣 𝙞𝙨𝙢𝙖 𝙤𝙜𝙞𝙮𝙚 𝙬𝙖𝙖𝙗𝙖𝙣 𝙖𝙖𝙨𝙣𝙖𝙝𝙖𝙮”-𝙃𝘼𝘿𝙍𝘼𝘼𝙒𝙄

Waxaa beryahan isa soo tarayay ka hadalka xorriyada doorashada guud ahaan ee ka jirta somaliland, gaar ahaana xorriyada doorashada dhar xidhashada dumarka ee wadanka, iyadoo ay soo baxayaan maalinba maalinta ka dambaysa dadyow inaga mid ah oo qurbaha ka yimi ama ku soo wax bartay oo ku andacoonaya in aanay xorriyad shakhsi ahaaneed ka jirin geyigeena.

Akhlaaqiyaaatka ay dadkaasi ku xukumayaan waxa xornino ah iyo waxa aan ahayn inta badan waa cabir reer galbeed, khaasatan aragtiyaha siyaasadeed ee kala duwan ee bulshada lagu maareeyo ee ay ka mid ka yihiin 𝘭𝘪𝘣𝘦𝘳𝘢𝘭𝘪𝘴𝘮𝘬𝘢, 𝘶𝘵𝘪𝘭𝘪𝘵𝘢𝘳𝘪𝘢𝘯𝘪𝘴𝘮𝘬𝘢, guud ahaan 𝘴𝘦𝘤𝘶𝘭𝘢𝘳𝘪𝘴𝘮𝘬𝘢 ama calmaaniyada oo labadaas aynu soo xusnay dalad u ah iyo qaar kale.

Sideedaba marka laga doodaayo xaq doorasho (𝘤𝘩𝘰𝘪𝘤𝘦, 𝘧𝘳𝘦𝘦𝘥𝘰𝘮 𝘦𝘵𝘤) waa in laga bilaabaa cidda ay noqonayso dadka qeexaya waxa ay tahay xornimo ama doorasho, haddii si kale loo dhigo xornimada ugu san yaa qeexi kara, doorashada cuddoon ta ay tahay yaa laga soo dheegan karaa? Akhlaaqiyaatka ama (morality)-ga la raacayaa waa ka sidee ah?

AKHLAAQDA (𝗠𝗢𝗥𝗔𝗟𝗜𝗧𝗬)

Akhlaaqda ama (morality)-gu waa nidaam qofka u sahlaya inuu kala garto waxa saxda iyo waxa qaladka ah, moralitygu waxaa uu noqdaa laba mid marka laga doodayo:

-𝙊𝙗𝙟𝙚𝙘𝙩𝙞𝙫𝙚 𝙢𝙤𝙧𝙖𝙡𝙞𝙩𝙮: oo odhanaysa akhlaaqda iyo kala garashada samaanta iyo xumaantu waa mid illaahi ah oo rabi dadka ku ilhaamiyay ama uu ku abuuray, inkastoo ruux kastaa leeyahay si gaar ah oo uu wax u arko haddana waxaa jirta akhlaaqiyaat ay bani aadamku meel kasta ha joogeene ay ka siman yihiin ama ay iskaga dhaw yihiin, tusaale ahaan: in aan la dilin ruux aan waxba galabsan.

-𝙎𝙪𝙗𝙟𝙚𝙘𝙩𝙞𝙫𝙚 𝙢𝙤𝙧𝙖𝙡𝙞𝙩𝙮: in qof kastaa si gooni ah u arko sax ama khalad waxa ah, oo wixii ‘evil’ ama ‘xun’ ay ku xidhan tahay qofka iyo damiirkiisa. in ay akhlaaqdu noocan dambe tahay waxaa badanaa ku dooda nimanka alle-koodka ah ee aan qirsanayn jiritaanka ilaahay.

Haddaba qeexitaanka xornimada ama waxa la yidhaa xaqa doorashadu waxaa uu qasab ugu dambayn isugu biyo shubanayaa: 𝘮𝘢𝘹𝘢𝘢 𝘴𝘢𝘯 𝘪𝘯 𝘭𝘢 𝘥𝘰𝘰𝘳𝘵𝘰? 𝘔𝘢𝘹𝘢𝘢 𝘢𝘢𝘯 𝘴𝘢𝘮𝘢𝘺𝘯 𝘪𝘯 𝘹𝘰𝘳 𝘭𝘰𝘰 𝘯𝘰𝘲𝘥𝘰? 𝘖𝘰 𝘪𝘺𝘢𝘯𝘢 𝘴𝘪𝘪 𝘨𝘢𝘭𝘢𝘺𝘴𝘢 𝘴𝘪𝘥𝘢 𝘤𝘢𝘥 𝘥𝘰𝘰𝘥𝘪𝘪 𝘢𝘩𝘢𝘺𝘥 𝘢𝘬𝘩𝘭𝘢𝘢𝘲𝘥a ma jirtaa𝘮𝘪𝘥 𝘪𝘭𝘩𝘢𝘢𝘮 𝘬𝘶 𝘵𝘪𝘮𝘪 𝘮𝘪𝘴𝘦 𝘸𝘢𝘢 𝘴𝘩𝘢𝘬𝘩𝘴𝘪𝘨𝘢 𝘪𝘺𝘰 𝘴𝘪𝘥𝘢 𝘶𝘶 𝘶 𝘢𝘳𝘬𝘰.

CALMAANIYADA

calmaaniyadu waa aragtida qabta in diinta iyo dawlada la kala reebo, oo dawlada iyo shuruucda hagaysaa aan ay noqon mid laga soo dheegto mabaadi’ diineed. calmaaniyada sida la sheego waa mabda’ dhexdhexaad ah oo haddii lagu maamulo bulsho, ka shaqaynaya cadaalada dadka kala duwan ee bulshadaasi koobsatay, laakiin xaqiiqadu sidaa ma aha (1).

calmaaniyadu waxaa laftigeedu ay u baahan tahay in ay dajiso shuruuc kala hagta dadka oo aan laga soo dheegan diin, su’aasha ayaa ah haddaba: shuruucdaas kala qeexaya waxa sharciga ah (san) ama aan sharciga ahayn (xun) halkee ayay ka imanayaan? mar haddii diin aan lagu dhaqmayn oo diintii laga siibay dawladii, shuruucda ay dawladu dajisaa waxaa ay maamulaan ama saameeyaan waxa bulshada ama muwaadiniinta wadankaasi u yaqaanaan akhlaaqda san ama xun.

akhlaaqda maamulaysa wixii sharci ahi ma waxaa ay noqonaysaa mid ay dajiyaan dawlada iyo hadba qofka ama kooxda markaa dadka maamulaya? ma shaqsiga muwaadinka ah qudhiisa ayay noqonaysaa oo waxaa san qofku wuxuu samaan u arko? mise waa isu tanaasul oo samaha iyo xumaha waxaa si wadajir ah uga doodaya bulshadaas iyagoo adeegsanaya hab doorasho ama dimuqraadi ah?

𝘈𝘺𝘯𝘶 𝘮𝘪𝘥 𝘮𝘪𝘥 𝘶 𝘲𝘢𝘢𝘥𝘢𝘢 𝘥𝘩𝘪𝘨𝘯𝘰.

𝙎𝙃𝙐𝙍𝙐𝙐𝘾 𝘼𝙔 𝙅𝙄𝘿𝘼𝙔𝙎𝘼𝙔 𝙆𝙊𝙊𝙓 𝙂𝙊𝙊𝙉𝙄 𝘼𝙃 𝘼𝙈𝘼 𝙆𝘼 𝙏𝙄𝙈𝙄 𝙎𝙃𝘼𝙆𝙃𝙎𝙄 𝙂𝙊𝙊𝙉𝙄 𝘼𝙃

Haddii shuruucda dawladaa calmaaniga ah laga soo dheegto qofka ama kooxda markaa maamulaysa dawlada, waxaa dhalanaysa xorriyad la’aan, waayo waxaa addoomo loo noqonayaa hawada qofkaa ama kooxdaa, oo gebi ahaan ma ay jirayso doorasho iyo xornimo qofeed, ha noqoto mid dhar xidhasho iyo mid diimeed toona’e.

Tusaale waxaa aynu u soo qaadanaynaa dawladihii shuuciga ahaa ee kala duwanaa ee adduunka soo maray ee wax ku maamulayay mabda’ shuuciyeed haddana ku fashilmay inay bulshadoodi badhaadhe gaadhsiiyaan, taa ka soo horjeedkeeda adduunka may soo marin dawlad ama mabda’ ka dulmi badan, dawladihii shuuciga ahaa ee aan diin wax la yidhaa aan haba yaraatee ku dhaqmi jirini waxaa ay adduunka kaga tageen ba’, xasuuqa in ka badan 100 milyan oo qof (2), gaajo iyo cabudhin xad dhaaf ah.

𝙎𝙃𝙐𝙍𝙐𝙐𝘾 𝙆𝙐 𝙏𝙄𝙈𝙄 𝙃𝘼𝘽 𝘿𝙄𝙈𝙐𝙌𝙍𝘼𝘼𝘿𝙄 𝘼𝙃 (𝙐𝙏𝙄𝙇𝙄𝙏𝘼𝙍𝙄𝘼𝙉𝙄𝙎𝙈)

Hab ama nidaam akhlaaqi ah oo samaha iyo xumaha ama sharci iyo sharci la’aanta ka soo dheegta bulshada iyo hadba siday u arkaan waxa san ee badhaadhe u keenaya ayaa la yidhaa utilitarianism. utIlitarianism-ku waxaa ay isku daydaaa in ay raalli geliso bulshada badideeda oo ay hirgeliso waxay “majority”-gu farxad ka helayaan ama ay u arkaan inay ka helayaan badhaadhaha ugu badan.

Haddii haddaba shuruucda dawladaa calmaaniga ah laga soo dheeganayo bulshada laftarkeeda, iyadoo la adeegsanayo aragtida dimuqraadiyada ama utalitarianism-ka, diiradana la saarayo sidii dadka bulshadaa ku nool intooda badan loo raali gellin lahaa; waxaa iyadana ka dhalanaysa jaho wareer. waayo inkastoo ay aragti ahaan cuddoon tahay haddana marka la sii gudo galo mushkilado dhawr ah ayay leedahay aragtidani:

-Haddii waxa ay bulsho farxad u taqaan laga shaqaynayo, sidee lagu cabiri karaa farxada shaqsiyeed ee isu geynteedu Noqonayso badhaadhaha bulshadaa?

-Haddii ka waran bulshadaasi farxad u aragto ama ay hab dimuqraadi ah isugu raacdo in ay xasuuqdo bani aadam kale, sida tii ka dhacday jarmalka dagaalkii labaad ee adduunka iyo tacadigii loo gaystay yuhuudii ku noolaa yurub.

-Dimuqraadiyadu ama utilitarianismku waxaa ay xornimo u fidisaa qofka, marka uu qofkaas akhlaaqdiisu ay mid la tahay ta badi bulshada, tusaale ahaan qof aaminsanaa in aan yuhuuda la layn berrigii Hitler jarmalka maamulayay, waxaa uu la kulmayay handadaad, caga juglayn iyo xorriyad la’aan baahsan.

-Cadaalad waxaa ah hadba waxa bulshadu badideedu u taqaan cadaalad tusaale ahaan ka soo qaad:

𝘐𝘯 𝘯𝘪𝘯 𝘢𝘴𝘬𝘢𝘳𝘪 𝘢𝘩 𝘰𝘰 𝘬𝘶 𝘯𝘰𝘰𝘭 𝘢𝘮𝘦𝘦𝘳𝘪𝘬𝘢 𝘸𝘢𝘲𝘵𝘪𝘺𝘢𝘥𝘪𝘪 𝘮𝘢𝘥𝘢𝘸𝘨𝘢 𝘭𝘢 𝘵𝘢𝘬𝘰𝘰𝘳𝘪 𝘫𝘪𝘳𝘢𝘺 𝘢𝘮𝘢 𝘭𝘢 𝘢𝘥𝘥𝘰𝘰𝘯𝘴𝘢𝘯 𝘫𝘪𝘳𝘢𝘺, 𝘶𝘶 𝘭𝘢 𝘬𝘶𝘭𝘮𝘰 𝘬𝘪𝘪𝘴 𝘬𝘶𝘧𝘴𝘪 𝘰𝘰 𝘭𝘢𝘨𝘶 𝘴𝘰𝘰 𝘰𝘰𝘨𝘢𝘺 𝘳𝘶𝘶𝘹 𝘮𝘢𝘥𝘰𝘸 𝘢𝘩, 𝘯𝘪𝘯𝘬𝘢𝘯 𝘢𝘴𝘬𝘢𝘳𝘪𝘨𝘢 𝘢𝘩𝘪 𝘸𝘢𝘢 𝘶𝘶 𝘰𝘨𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘪𝘯 𝘯𝘪𝘯𝘬𝘢 𝘮𝘢𝘥𝘰𝘰𝘣𝘪 𝘢𝘢𝘯𝘶 𝘬𝘪𝘪𝘴𝘬𝘢𝘯 𝘨𝘦𝘭𝘪𝘯, 𝘩𝘢𝘥𝘥𝘪𝘪 𝘶𝘶 𝘯𝘪𝘯𝘬𝘢𝘯 𝘹𝘪𝘥𝘩𝘰 𝘪𝘴𝘢𝘨𝘰𝘰 𝘰𝘨 𝘪𝘯 𝘯𝘪𝘯𝘬𝘢𝘯 𝘮𝘢𝘥𝘰𝘰𝘣𝘪 𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘣𝘢𝘳𝘪𝘪’ 𝘸𝘢𝘹𝘢𝘢 𝘮𝘶𝘥𝘢𝘩𝘢𝘳𝘢𝘢𝘥 𝘴𝘢𝘮𝘢𝘺𝘯𝘢𝘺𝘢 𝘮𝘢𝘥𝘢𝘸𝘨𝘢 𝘣𝘢𝘳𝘵𝘢𝘢 𝘬𝘶 𝘯𝘰𝘰𝘭 𝘰𝘰 𝘥𝘩𝘢𝘯 𝘰𝘰 𝘥𝘢𝘭𝘣𝘢𝘯 𝘥𝘰𝘰𝘯𝘢 𝘤𝘢𝘥𝘢𝘢𝘭𝘢𝘥, 𝘭𝘢𝘢𝘬𝘪𝘪𝘯 𝘩𝘢𝘥𝘥𝘪𝘪 𝘶𝘶 𝘯𝘪𝘯𝘬𝘢𝘢 𝘹𝘪𝘥𝘩𝘪 𝘸𝘢𝘢𝘺𝘰 𝘸𝘢𝘹𝘢𝘢 𝘨𝘢𝘥𝘰𝘰𝘥 𝘴𝘢𝘮𝘢𝘺𝘯𝘢𝘺𝘢 𝘤𝘢𝘥𝘥𝘢𝘢𝘯𝘬𝘢 𝘰𝘰 𝘥𝘩𝘢𝘯 𝘰𝘰 𝘪𝘯 𝘣𝘢𝘥𝘢𝘯 𝘬𝘶 𝘴𝘰𝘰 𝘭𝘢𝘣𝘢𝘯 𝘭𝘢𝘢𝘣𝘮𝘢 𝘮𝘢𝘥𝘢𝘸𝘨𝘢 𝘣𝘢𝘳𝘵𝘢𝘢 𝘬𝘶 𝘯𝘰𝘰𝘭. 𝘩𝘢𝘥𝘥𝘪𝘪 𝘩𝘢𝘥𝘢𝘣𝘢 𝘶𝘶 𝘯𝘪𝘯𝘬𝘢𝘢 𝘢𝘴𝘬𝘢𝘳𝘪𝘨𝘢 𝘢𝘩𝘪 𝘢𝘢𝘮𝘪𝘯𝘴𝘢𝘯 𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘮𝘢𝘣𝘥𝘢’𝘢 𝘶𝘵𝘢𝘭𝘪𝘵𝘢𝘳𝘪𝘢𝘯𝘪𝘴𝘮-𝘬𝘢 𝘸𝘢𝘹𝘢𝘢 𝘶𝘶 𝘪𝘴𝘬𝘶 𝘥𝘢𝘺𝘢𝘺𝘢𝘢 𝘪𝘯 𝘶𝘶 𝘬𝘢 𝘴𝘩𝘢𝘲𝘦𝘦𝘺𝘰 𝘧𝘢𝘳𝘹𝘢𝘥𝘢 𝘪𝘺𝘰 𝘣𝘢𝘥𝘩𝘢𝘢𝘥𝘩𝘢𝘩𝘢 𝘣𝘢𝘥𝘪 𝘣𝘶𝘭𝘴𝘩𝘢𝘥𝘢 𝘰𝘰 𝘮𝘢𝘳𝘬𝘢𝘯 𝘯𝘰𝘲𝘰𝘯𝘢𝘺𝘴𝘢 𝘤𝘢𝘥𝘥𝘢𝘢𝘯𝘬𝘢 𝘰𝘰 𝘬𝘢 𝘥𝘪𝘣𝘯𝘢 𝘴𝘢𝘣𝘢𝘣𝘢𝘺𝘴𝘢 𝘪𝘯 𝘮𝘪𝘴𝘬𝘪𝘪𝘯𝘬𝘢𝘢 𝘮𝘢𝘥𝘢𝘸𝘨𝘢 𝘢𝘩 𝘦𝘦 𝘢𝘢𝘯 𝘸𝘢𝘹𝘣𝘢 𝘨𝘢𝘭𝘢𝘣𝘴𝘢𝘯 𝘭𝘰𝘰 𝘹𝘪𝘥𝘩𝘰 𝘥𝘢𝘮𝘣𝘪 𝘢𝘢𝘯 𝘶𝘶 𝘨𝘦𝘭𝘪𝘯 (3)

Gunaanadkii, aragtida utalitarianism-ka haddii la raaco, xorriyad iyo doorasho, sharci iyo dambi ama same iyo xumaan waxaa u qeexaya bulshada badideeda taasuna waxaa ay qasbaysaa in hadba bulshadaasi waxa ay isku raacdaa ay noqoto akhlaaqda cuddoon.

Haddii sidaa daraadeed bulshada Somaliland ama Soomaalidu guud ahaan isku raacdo hab dimuqraadi ah; in ay tusaale ahaan xaddido xorriyada dhar-xidhashada, xaq buuxda ayay u leedahay waayo waxaa ay akhlaaqdani ku timi hab dimuqraadi ah oo kordhinaysa badhaadhaha iyo farxada baddi bulshada.

(𝐋𝐈𝐁𝐄𝐑𝐀𝐋𝐈𝐒𝐌)

Waa aragti akhlaaqi iyo siyaasi ah oo ku salaysan xaqa doorashada ama xorriyada ruuxa shakhsiga ah. aragtidani waxaa ay qabtaa in doonista (desire) iyo hawada muwaadiniintu ay hagto akhlaaqda, iyo in aanay jirin akhlaaq guud oo lagu ilhaamiyay bani aadamka, hase ahaatee qof kastaba waxa la cuddooni uu yahay samaha, xumuhuna sidaa si le’eg aasaaskiisu yahay aragtida shakhsiyeed ee ruuxa.

Waxaa ay liberalism-ku aaminsan tahay mabaadii’da: sinaanta, gooni isu taaga shakhsiyeed, doorashada iyo xorriyada, oo marka si loo eego ah mabaadi’ aan waxba ku kala duwanayn lana kala saari karin (4)

Dhaliilaha ugu weyn ee uu leeyahay mabda’ani waa in aanay kala saari karin doorashada shakhsiyeed ee qofkastaa leeyahay, haddii si kale loo dhigo dawlad liberal ahi ma awoodo in ay laba go’aan oo akhlaaqi ah kala saarto ama kala xukunto, waayo waxaa ay ka hor imanaysaa mabda’a asaaska u ah ee sheegaya in aanay jirin sax iyo khalad guud (5).

Qof waxa uu same u arko, qof kale ayaa xumaan u arka. sidaa daraadeed aragtidani cidna ma kala saari karto oo waxa ay ku qasbanaanaysaa in ugu dambayn loo hogaansamo akhlaaqiyaatka koox gaar ah ama cidda markaa hagaysa shuruucda dawlada.

Liberalismku waxaa uu isku cuf ku miisaamaa akhlaaqiyaatka oo dhan oo mid mid ka wanaagsani ma jiro, lamana cabiri karo wanaaga akhlaaq gooni ah oo mid kastaaba waxaa ay ku xidhan tahay qofka iyo doonistiisa, tusaale ahaan: qof doonaya inuu liwaad ama homosexuality ku dhaqmo iyo qof doonaya inuu nacnac soo iibsadaa wax alaale wax ay ku kala duwan yihiin ma jirto, kani wax buu doonay (𝙙𝙚𝙨𝙞𝙧𝙚) kana wax kale ayuu doonay. haddii hadaba ay soo baxdo in ruux kale uu doono in homosexuality iyo wax la hal maala aanuu arag ama la cidhib tiro, xaq ayuu u leeyahay waayo isna waa doonistiisa. labadaa doonis ama xaq ee doorasho (ka doonay inuu liwaad ku dhaqmo iyo ka doonaya in la cidhib-tiraa) si loo kala saaraa ma jirto.

Dawladu waxaa ay qasab ku noqonaysaa in ay mid qaadato oo ku dhaqanto, ama in ay labadaa doorasho mid same u aragto oo akhlaaq cuddoon u aqoonsanto. Haddii ay taasu dhacdona waxaa meeshii ka baxaysa xaqii doorasho ee ruuxa kale. Haddii markaa dooda dawladu noqoto waxa san anagaa kaa garanayna su’aashu waa sidee baad ku garateen? cabbirkee baad isticmaasheen? akhlaaqdan aad ku ansixiseen falkan miyaa la idinku ilhaamiyay?

Waxaa ay liberals-ku markaa isticmaalaan wax la yidhaa “𝙏𝙝𝙚 𝙃𝙖𝙧𝙢 𝙋𝙧𝙞𝙣𝙘𝙞𝙥𝙡𝙚” oo odhanaya: 𝘧𝘢𝘭 𝘬𝘢𝘴𝘵𝘢 𝘰𝘰 𝘥𝘩𝘪𝘣𝘢𝘢𝘵𝘰 𝘬𝘦𝘦𝘯𝘢𝘺𝘢𝘢 𝘸𝘢𝘢 𝘹𝘶𝘯 𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺, 𝘧𝘢𝘭 𝘬𝘢𝘴𝘵𝘰𝘰 𝘳𝘢𝘢𝘹𝘰 𝘪𝘺𝘰 𝘧𝘢𝘳𝘹𝘢𝘥 𝘬𝘦𝘦𝘯𝘢𝘺𝘢𝘢𝘯𝘢 𝘸𝘢𝘢 𝘴𝘢𝘯 𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺. haddaba sidee baa lagu cabiri karaa “harm” ama “dhibaato”.

Haddii wax kasta oo ruux doonistiisa ah ama “choice”-kiisa ahi ay tahay ta san ama cuddoon, xorriyaduna tahay in uu fushan karo doonistiisaa; waxaa dhibaato ama “harm” noqonaysa sharci kasta oo ruuxaa ka hor istaagta inuu helo doonistiisa. sidaa la ajligeed 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗿𝘂𝘂𝘅𝗮 𝗮𝗺𝗮 𝗺𝘂𝘄𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝘂 𝗳𝘂𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗶𝘀𝘁𝗶𝗶𝘀𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗮𝘆 “𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝘁𝗼” 𝗮𝗺𝗮 “𝗵𝗮𝗿𝗺” 𝗸𝘂 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗿𝘂𝘂𝘅𝗶𝗶 𝗾𝗮𝗯𝗮𝘆 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗶𝘀𝘁𝗶𝗶 𝘁𝗮𝗮 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗵𝗼𝗿𝗷𝗲𝗲𝗱𝗮𝘆. (6)

Liberalismku ma awoodo in waa qalad ay tidhaa doonista muwaadiniinteeda oo haddii ay sidaa fasho, waxaa ka dhalanaysa in ay soo fara geliso akhlaaqiyaatka dadka, taasoo aan ka soocahayn diimahii ay ka soo horjeeday.

Akhlaaqda liberalismku waa mid is bedbedasha oo hadba raacda hawada dadka, shalay wixii qalad ahaa waxaa laga yaabaa in ay maanta samaato, berri ayaa liberalismku aaminsanaa in liwaadku yahay qalad, maantase waa la arkaa. Maanta waxaa reer galbeedku aaminsan yahay in pedophilia-du tahay qalad laakiin durtaba waxaa bilaabmay doodihii ku aadanaa sababta ay u tahay qalad iyo sida aan cidna xaq ugu lahayn in ay fal ku shaambadayso inuu bilaa akhlaaq yahay mar haddiiba falkaasu uu yahay doonis ama “desire” aan la kaantarooli karin (7) in loo galmoodo xayawaanka ayaan dhawayd waxaa ay ahayd sharci waana laga ogolaa wadan ka mid ah wadamada adduunka ugu “xornimada” badan(8).

Gabagabadii, liberalism-ku iyana ma awoodo in ay fal baa san ama xun tidhaa (xijaab baa xornimo la’aan keena), waana sababta aan aragtidani ilaa imika salka u dhigin oo ay isu bedbedalayso heer ay gaadhay in dooda la soo galiyo samaanta waxyaabo bani aadamka ugub ku ah sida: cuddoonaanta qalooca jinsiga ah ee xadka ka baxay. Si haddaba aanay aragtidani isku dhac bulsheed u horseedin, waxaa ummada caynaanka akhlaaqiga ah u haynaya ugu dambayn dabaqad ama dad gooni ah.

𝗛𝗜𝗥𝗗𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗔𝗙𝗞𝗔𝗔𝗥𝗧𝗔 𝗔𝗞𝗛𝗟𝗔𝗔𝗤𝗜𝗚𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗦𝗜𝗬𝗔𝗔𝗦𝗜𝗚𝗔 𝗔𝗛 𝗘𝗘 𝗚𝗘𝗬𝗜𝗚𝗘𝗘𝗡𝗔

Waxaa aan shaki ku jirin in bulshadeena waqtigan ay soo galeen aragtiyo qalaad oo aan diin iyo dhaqan toona ku dhisnayn oo ay badi faafiyaan dad inaga mid ah oo adeegsanaya kalmado aan sida aan kor ku soo sheegnay micno samaynayn sida xorriyad (yaa qeexaya) iyo doorasho (maxaa doorasho cuddoon ah? ma ta shakhsiga ah? ma mid bulsheed? ma ta ilaahiga ah?). dadyawgaas shaki kuma jiro in ay yihiin dad la soo adeegsanayo (ha ka war qabeen in la adeegsanayo ama ha mooganaadaane) si ay u faafiyaan mabaadi’da akhlaaqiga ah ee reer galbeedka.

Waxaa ay badanaa inta hore adeegsadaan dadyawgani shaadh muwaadinimo ama mid qawmiyadnimo, si ay marka hore bulshada ugu soo dhex galaan iyagoo muwaadinka aan feejignayn iska ga dhigaya qaar ka shaqaynaya danahooda: sida inay ka soo dhex muuqdaan saaxadaha XUQUUQAL IINSAANKA, FGM-KA, HIDAHA IYO DHAQANKA iwm. ka dibna mar uun ay shaaca ka qaadaan afkaartooda qaloocan iyo akhlaaqdooda qalaad.

Tani waxaa aad moodaa in ay hirgelin iyo dhaqan-gelin u tahay soo jedimihii ay hore u sameeyeen TINK TANK-yo ay ka mid yihiin RAND (9), oo Maraykanka laga leeyahay iyo PREVENT oo Ingiriiska ka unkan.

Munadamadahan sare waxaa ay dagaal fikir ah ugu jiraan sidii ay u badali lahaayeen afkaarta dadka muslimka ah iyo diinta Islaamiga ah laftigeeda, iyagoo aaminsan in aanay la jaanqaadi karin qarniga 21aad. waxyaabaha ay soo jeedinayaan waxaa ka mid ah:

-𝘐𝘯 𝘭𝘢 𝘵𝘢𝘢𝘨𝘦𝘦𝘳𝘰𝘰 𝘥𝘢𝘥𝘬𝘢 𝘬𝘶𝘸𝘢 𝘪𝘴𝘬𝘶 𝘵𝘪𝘭𝘮𝘢𝘢𝘮𝘢 𝘪𝘯 𝘢𝘺 𝘺𝘪𝘩𝘪𝘪𝘯 𝘮𝘰𝘥𝘦𝘳𝘢𝘵𝘦 𝘮𝘶𝘴𝘭𝘪𝘮, 𝘭𝘢 𝘮𝘢𝘢𝘭𝘨𝘦𝘭𝘪𝘺𝘰, 𝘣𝘶𝘶𝘨𝘵𝘰𝘰𝘥𝘢 𝘭𝘢 𝘧𝘢𝘢𝘧𝘪𝘺𝘰 𝘰𝘰 𝘭𝘢 𝘴𝘩𝘢𝘢𝘤 𝘣𝘪𝘹𝘪𝘺𝘰 𝘢𝘧𝘬𝘢𝘢𝘳𝘵𝘰𝘰𝘥𝘢

-𝘐𝘯 𝘭𝘢 𝘩𝘢𝘯𝘥𝘢𝘥𝘰 𝘥𝘢𝘥𝘬𝘢 𝘪𝘯𝘵𝘢 𝘢𝘢𝘮𝘪𝘯𝘴𝘢𝘯 𝘪𝘴𝘭𝘢𝘢𝘮𝘬𝘪𝘪 𝘴𝘰𝘰 𝘫𝘪𝘳𝘦𝘦𝘯𝘬𝘢 𝘢𝘩𝘢𝘢 𝘪𝘺𝘢𝘨𝘰𝘰 𝘭𝘢𝘨𝘶 𝘴𝘩𝘢𝘢𝘮𝘣𝘢𝘥𝘢𝘺𝘯𝘢𝘺𝘰 𝘪𝘯 𝘢𝘺 𝘺𝘪𝘩𝘪𝘪 𝘹𝘢𝘨𝘫𝘪𝘳 𝘪𝘺𝘰 𝘧𝘶𝘥𝘢𝘺𝘥𝘪𝘺𝘢𝘺𝘢𝘢𝘭 𝘢𝘳𝘨𝘢𝘨𝘢𝘹𝘪𝘴𝘰.

-𝘐𝘯 𝘥𝘪𝘮𝘶𝘲𝘳𝘢𝘢𝘥𝘪𝘺𝘢𝘥𝘶 𝘢𝘺 𝘵𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘴𝘪𝘥𝘢 𝘢𝘺 𝘳𝘦𝘦𝘳 𝘨𝘢𝘭𝘣𝘦𝘦𝘥𝘬𝘶 𝘶 𝘺𝘢𝘲𝘢𝘢𝘯𝘢𝘢𝘯 𝘰𝘰 𝘬𝘢𝘭𝘪 𝘢𝘩, 𝘪𝘯 𝘢𝘢𝘯𝘢𝘺 𝘤𝘪𝘥𝘪𝘯𝘢 𝘥𝘰𝘰𝘳𝘢𝘯 𝘬𝘢𝘳𝘪𝘯 𝘥𝘢𝘸𝘭𝘢𝘥 𝘪𝘴𝘭𝘢𝘢𝘮𝘪 𝘢𝘩 𝘩𝘢𝘣 𝘥𝘪𝘮𝘶𝘲𝘳𝘢𝘢𝘥𝘪𝘺𝘢𝘥𝘦𝘦𝘥 𝘴𝘪𝘥𝘪𝘪 𝘬𝘢 𝘥𝘩𝘢𝘤𝘥𝘢𝘺 𝘥𝘢𝘸𝘭𝘢𝘥𝘪𝘪 𝘮𝘶𝘳𝘴𝘪 𝘢𝘭𝘭𝘦 𝘩𝘢 𝘶 𝘯𝘢𝘹𝘢𝘳𝘪𝘪𝘴𝘵𝘦𝘦.

-𝘐𝘯 𝘭𝘢 𝘪𝘴𝘵𝘪𝘤𝘮𝘢𝘢𝘭𝘰 𝘥𝘩𝘢𝘭𝘪𝘯𝘺𝘢𝘳𝘵𝘢 𝘪𝘺𝘰 𝘩𝘢𝘸𝘦𝘦𝘯𝘬𝘢 𝘪𝘺𝘢𝘨𝘰𝘰 𝘭𝘰𝘰 𝘮𝘢𝘳𝘢𝘺𝘰 𝘕𝘎𝘖-𝘺𝘢𝘥𝘢 Iyo xarumaha “dhaqanka”.

-𝘐𝘯 𝘮𝘢𝘯𝘢𝘢𝘩𝘪𝘫𝘵𝘢 𝘪𝘴𝘬𝘶𝘶𝘭𝘢𝘥𝘢 𝘵𝘢𝘭𝘢𝘢𝘣𝘰 𝘵𝘢𝘭𝘢𝘢𝘣𝘰 𝘭𝘰𝘰 𝘣𝘢𝘥𝘢𝘭𝘰 𝘪𝘸𝘮 𝘪𝘸𝘮 𝘪𝘸𝘮.

𝘀𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝘂𝗴𝗮 𝗯𝗼𝗴𝗮𝘁𝗼 𝗺𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗮𝗸𝗵𝗿𝗶:

https://www.facebook.com/mustafa.k.heiss/posts/10207053702095681

Haddaba dagaalkan fikireed ee ay bulshadeenu ka hurudo waxa aad moodaa in uu imika soo xoogaysanayo iyadoo dadyawgaa aynu soo sheegnay ay bilaabeen olole ay ku dhaliilayaan muqadasaadka diiniga ah ama bulsheed.

Waxaa ugu dambaysay in dadyawgaasi cambaar dusha uga tuureen xijaabka iyo xaqa doorashada ruuxa dumarka ah ee Soomaaliga ah, khaasatanna Somaliland ku nool.

Tani waxaa ay soo celinaysaa doodii aynu sare ku soo lafa gurnay ee maxaa san maxaase xun? akhlaaqda cuddooni waa tee?

𝙄𝙣𝙖𝙜𝙪 𝙠𝙖 𝙢𝙪𝙨𝙡𝙞𝙢 𝙖𝙝𝙖𝙖𝙣 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙖 𝙖𝙮𝙣𝙪 𝙖𝙖𝙢𝙞𝙣𝙨𝙖𝙣𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙞𝙣 𝙖𝙡𝙡𝙚 𝙨𝙖𝙧𝙚𝙚𝙮𝙚 𝙪𝙪 𝙨𝙤𝙤 𝙙𝙚𝙟𝙞𝙮𝙖𝙮 𝙨𝙝𝙪𝙧𝙪𝙪𝙘 𝙞𝙡𝙖𝙖𝙝𝙞 𝙖𝙝 𝙤𝙤 𝙖𝙮𝙣𝙪 𝙠𝙖 𝙙𝙝𝙚𝙚𝙜𝙖𝙣𝙤 𝙭𝙖𝙦𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙭𝙪𝙢𝙖𝙝𝙖, 𝙨𝙝𝙪𝙧𝙪𝙪𝙘𝙙𝙖𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙖 𝙠𝙪 𝙟𝙞𝙧𝙖 𝙭𝙤𝙧𝙧𝙞𝙮𝙖𝙙𝙖 𝙙𝙝𝙖𝙧-𝙭𝙞𝙙𝙝𝙖𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙭𝙞𝙟𝙖𝙖𝙗𝙠𝙖, 𝙤𝙤 𝙡𝙚𝙝 𝙢𝙞𝙙 𝙧𝙖𝙜𝙜𝙖 𝙪 𝙜𝙖𝙖𝙧 𝙖𝙝 𝙞𝙮𝙤 𝙢𝙞𝙙 𝙙𝙪𝙢𝙖𝙧𝙠𝙖 𝙪 𝙜𝙖𝙖𝙧 𝙖𝙝, 𝙝𝙖𝙙𝙙𝙞𝙞 𝙨𝙞 𝙠𝙖𝙡𝙚 𝙡𝙤𝙤 𝙙𝙝𝙞𝙜𝙤 𝙖𝙠𝙝𝙡𝙖𝙖𝙦𝙞𝙮𝙖𝙖𝙩𝙠𝙚𝙚𝙣𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙖 𝙝𝙖𝙜𝙖 𝙞𝙡𝙡𝙖𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙨𝙖𝙧𝙚𝙚𝙮𝙚, 𝙢𝙖 𝙖𝙖𝙢𝙞𝙣𝙨𝙖𝙣𝙞𝙣 𝙞𝙣 𝙧𝙪𝙪𝙭 𝙠𝙖𝙨𝙩𝙖𝙖 𝙡𝙚𝙚𝙮𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙭𝙖𝙦 𝙙𝙤𝙤𝙧𝙖𝙨𝙝𝙤 𝙤𝙤 𝙨𝙖𝙣, 𝙡𝙖𝙖𝙠𝙞𝙞𝙣 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙖 𝙨𝙖𝙣 𝙤𝙤 𝙠𝙖𝙡𝙞 𝙖𝙝 𝙬𝙖𝙭𝙖 𝙖𝙡𝙡𝙚 𝙨𝙖𝙧𝙚𝙚𝙮𝙚 𝙨𝙖𝙢𝙖𝙖𝙣 𝙠𝙪 𝙩𝙞𝙡𝙢𝙖𝙖𝙢𝙤, 𝙬𝙖𝙖𝙮𝙤 𝙞𝙨𝙖𝙜𝙖𝙖 𝙨𝙖𝙢𝙖𝙖𝙣 𝙠𝙪 𝙨𝙞𝙛𝙤𝙤𝙗𝙖𝙮.

Aragtidaa islaamiga ah ta ka soo horjeeda ee qof kastaa waa in uu xaq u yeeshaa doorashada dharka uu xidhanayaa, waa mid basiid ah oo imika haddii aan la burin dhali doonta doodo ka waawayn oo xorriyada ku saabsan

195-ka dal ee adduunka ka jira laga ma soo helayo mid kali ah oo xorriyad dhar-xidhasho oo buuxda u fidiya muwaadiniintiisa, oo shuruuc baa hagta wadan kasta tibaaxaysa dhar xidhashada, tusaale ahaan:

-𝘤𝘪𝘥𝘪𝘯𝘢 𝘪𝘺𝘢𝘥𝘰𝘰 𝘮𝘶𝘥𝘩 𝘪𝘺𝘰 𝘲𝘢𝘢𝘸𝘢𝘯𝘢𝘢𝘯 𝘢𝘩 𝘮𝘢 𝘭𝘶𝘨𝘢𝘺𝘯 𝘬𝘢𝘳𝘵𝘰 𝘸𝘢𝘥𝘰𝘰𝘺𝘪𝘯𝘬𝘢 𝘮𝘢𝘯𝘢 𝘪𝘮𝘢𝘯 𝘬𝘢𝘳𝘵𝘰 𝘣𝘢𝘳𝘢𝘩𝘢 𝘣𝘶𝘭𝘴𝘩𝘢𝘥𝘶 𝘪𝘴𝘶𝘨𝘶 𝘵𝘪𝘮𝘢𝘢𝘥𝘰 (10)

-𝘳𝘢𝘨𝘨𝘶 𝘫𝘪𝘥𝘩𝘬𝘰𝘰𝘥𝘢 𝘪𝘯𝘵𝘢 𝘴𝘢𝘳𝘦 𝘸𝘢𝘢 𝘢𝘺 𝘲𝘢𝘢𝘸𝘪𝘯 𝘬𝘢𝘳𝘢𝘢𝘯 𝘣𝘢𝘥𝘢𝘯𝘢𝘢 𝘸𝘢𝘥𝘢𝘮𝘢𝘥𝘢 𝘬𝘶 𝘥𝘩𝘢𝘲𝘮𝘢 𝘭𝘪𝘣𝘦𝘳𝘢𝘭𝘪𝘴𝘮-𝘬𝘢, 𝘭𝘢𝘢𝘬𝘪𝘪𝘯 𝘵𝘢𝘢 𝘬𝘢 𝘴𝘰𝘰 𝘩𝘰𝘳𝘫𝘦𝘦𝘥𝘬𝘦𝘦𝘥𝘢 𝘥𝘶𝘮𝘢𝘳𝘬𝘶 𝘮𝘢 𝘲𝘢𝘢𝘸𝘪𝘯 𝘬𝘢𝘳𝘢𝘢𝘯 𝘫𝘪𝘥𝘩𝘬𝘰𝘰𝘥𝘢 𝘴𝘢𝘳𝘦.

-𝘤𝘪𝘥𝘪𝘯𝘢 𝘹𝘢𝘲 𝘶𝘮𝘢 𝘭𝘢𝘩𝘢 𝘪𝘯 𝘢𝘺 𝘬𝘢 𝘩𝘰𝘳 𝘵𝘪𝘮𝘢𝘢𝘥𝘰 𝘴𝘩𝘶𝘳𝘶𝘶𝘤𝘥𝘢𝘢 𝘩𝘢𝘨𝘢𝘺𝘴𝘢 𝘥𝘩𝘢𝘳-𝘹𝘪𝘥𝘩𝘢𝘴𝘩𝘢𝘥𝘢 𝘪𝘺𝘰 𝘲𝘢𝘢𝘸𝘢𝘯𝘢𝘢𝘯𝘵𝘢 𝘸𝘢𝘲𝘵𝘪𝘨𝘢𝘯, 𝘤𝘪𝘥𝘪𝘪 𝘶 𝘨𝘦𝘧𝘵𝘢𝘯𝘢 𝘸𝘢𝘹𝘢𝘢 𝘢𝘺 𝘮𝘶𝘥𝘢𝘯𝘢𝘺𝘴𝘢𝘢 𝘤𝘪𝘲𝘢𝘢𝘣 𝘪𝘺𝘰 𝘪𝘯 𝘹𝘰𝘳𝘳𝘪𝘺𝘢𝘥𝘢 𝘭𝘢𝘨𝘢 𝘲𝘢𝘢𝘥𝘰, 𝘥𝘩𝘢𝘲𝘥𝘩𝘢𝘲𝘢𝘢𝘲𝘰𝘰𝘥𝘢 𝘭𝘢 𝘹𝘢𝘯𝘪𝘣𝘰 𝘢𝘮𝘢 𝘨𝘢𝘯𝘢𝘢𝘹 𝘭𝘢𝘤𝘢𝘨𝘦𝘦𝘥.(11)

Sidaa daraadeed adduunka wax la yidhaa xaq doorasho oo dharxidhashada ku saabsani ma jiro, mar haddii aanuu jirina, xijaab iyo “SKIRT” waxa ay ku kala duwan yihiin ma jirto, waayo midna sharcibaa ka ogolaaday yurub midna sharci baa ka diiday Somaliland. sharciga yurub yaalaa akhlaaqiyan miyuu ka cuddoon yahay ka Somaliland yaala? waayo? sababta uu uga wanaagsan yahay waa maxay? haddii ay jawaabtu tahay: “sababta oo ah waa akhlaaq cuddoon bilaa sabab” waxaa ay taageeraysaa aragtida odhanaysa in akhlaaqdu tahay objective ama tahay mid ilaahay ilhaamiyay, taas oo ka dibna meesha ka saaraysa aragtida liberalism-ka oo ay sal u ahayd in aanay jirin akhlaaq objective ahi.

Dadyawgan aynu ka faaloonayno waxaa ay badanaa adeegsadaan dooda odhanaysa: “xijaabku waa dhaqan carbeed oo dadkeeni hore ma aysan xidhan jirin”

-𝘟𝘪𝘫𝘢𝘢𝘣𝘬𝘶 𝘴𝘪𝘥𝘪𝘪𝘴𝘢𝘥𝘢𝘣𝘢 𝘸𝘢𝘹𝘢𝘢 𝘶𝘶 𝘭𝘦𝘦𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘴𝘩𝘶𝘳𝘶𝘶𝘤 𝘪𝘭𝘢𝘢𝘩𝘪 𝘢𝘩, 𝘮𝘢𝘯𝘢 𝘢𝘩𝘢 𝘲𝘢𝘴𝘢𝘣 𝘪𝘯 𝘥𝘩𝘢𝘳 𝘨𝘰𝘰𝘯𝘪 𝘢𝘩 𝘭𝘢 𝘹𝘪𝘥𝘩𝘰 𝘦𝘦 𝘮𝘶𝘩𝘪𝘪𝘮𝘢𝘥𝘶 𝘸𝘢𝘢 𝘪𝘯 𝘭𝘰𝘰 𝘩𝘰𝘨𝘢𝘢𝘯𝘴𝘢𝘮𝘰 𝘴𝘩𝘶𝘳𝘶𝘶𝘤𝘥𝘢 𝘹𝘪𝘫𝘢𝘢𝘣𝘬𝘶 𝘭𝘦𝘦𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘢𝘮𝘢 𝘫𝘪𝘭𝘣𝘢𝘢𝘣 𝘹𝘪𝘥𝘩𝘰 𝘢𝘮𝘢 𝘤𝘢𝘣𝘢𝘢𝘺𝘢𝘥 𝘹𝘪𝘥𝘩𝘰 ama 𝘥𝘩𝘢𝘳 𝘸𝘢𝘢𝘸ayn xidho. (12) (13)

-𝘊𝘶𝘥𝘥𝘰𝘰𝘯𝘢𝘢𝘯𝘵𝘢 𝘢𝘮𝘢 𝘴𝘢𝘮𝘢𝘢𝘯𝘵𝘢 𝘥𝘩𝘢𝘲𝘢𝘯 𝘨𝘰𝘰𝘯𝘪 𝘢𝘩𝘪 𝘬𝘶𝘮𝘢 𝘹𝘪𝘥𝘩𝘯𝘢 𝘤𝘪𝘥𝘢 𝘢𝘢𝘴𝘢𝘢𝘴𝘬𝘢 𝘶 𝘢𝘩𝘢𝘺𝘥 𝘢𝘮𝘢 𝘭𝘢𝘨𝘢 𝘴𝘰𝘰 𝘥𝘩𝘦𝘦𝘨𝘵𝘢𝘺, 𝘦𝘦 𝘥𝘩𝘢𝘲𝘢𝘯 𝘸𝘢𝘢 𝘴𝘢𝘯 𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘢𝘮𝘢 𝘹𝘶𝘯 𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘪𝘴𝘢𝘨𝘰𝘰 𝘢𝘢𝘯 𝘩𝘢𝘣𝘢 𝘺𝘢𝘳𝘢𝘢𝘵𝘦 𝘤𝘪𝘥𝘯𝘢 𝘬𝘶 𝘹𝘪𝘥𝘩𝘯𝘢𝘺𝘯. 𝘥𝘢𝘥𝘬𝘢 𝘰𝘰 𝘥𝘩𝘢𝘯𝘪 𝘩𝘢𝘥𝘥𝘪𝘪 𝘢𝘺 𝘧𝘢𝘭𝘢𝘢𝘯 𝘥𝘩𝘢𝘲𝘢𝘯 𝘹𝘶𝘯; 𝘬𝘢𝘮𝘢 𝘥𝘩𝘪𝘨𝘢𝘺𝘴𝘰 𝘪𝘯𝘶𝘶 𝘧𝘢𝘭𝘬𝘢𝘢𝘴𝘪 𝘤𝘶𝘥𝘥𝘰𝘰𝘯 𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘪𝘺𝘰 𝘵𝘢𝘢 𝘬𝘢 𝘴𝘰𝘰 𝘩𝘰𝘳𝘫𝘦𝘦𝘥𝘬𝘦𝘦𝘥𝘢.

-“𝘈𝘣 𝘬𝘢 𝘢𝘣 𝘸𝘢𝘢𝘯𝘶 𝘴𝘢𝘮𝘢𝘺𝘯 𝘫𝘪𝘳𝘯𝘢𝘺” 𝘬𝘢𝘮𝘢 𝘥𝘩𝘪𝘨𝘢𝘺𝘴𝘰: 𝘧𝘢𝘭 𝘪𝘯𝘶𝘶 𝘴𝘢𝘮𝘢𝘢𝘯 𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘢𝘮𝘢 𝘤𝘶𝘥𝘥𝘰𝘰𝘯 𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘰𝘰 𝘤𝘪𝘭𝘮𝘶𝘭 𝘮𝘢𝘯𝘥𝘪𝘲𝘢 𝘸𝘢𝘹𝘢𝘢 𝘭𝘢 𝘺𝘪𝘥𝘩𝘢𝘢 “𝘢𝘱𝘱𝘦𝘢𝘭 𝘵𝘰 𝘵𝘳𝘢𝘥𝘪𝘵𝘪𝘰𝘯” 𝘸𝘢𝘢𝘯𝘢 𝘬𝘢𝘴𝘮𝘰 𝘫𝘢𝘣𝘢𝘯. (14)

Waxaa ay badanaa faallooyinka ay bixinayaan ku tebiyaan afka qalaad ee Ingiriisida, iyadoo aad moodo in ay leeyihiin “𝘪 𝘢𝘳𝘬𝘢𝘢𝘺 𝘳𝘦𝘦𝘳 𝘨𝘢𝘭𝘣𝘦𝘦𝘥𝘰𝘸 𝘯𝘪𝘯 𝘵𝘢𝘨𝘢𝘺 𝘢𝘮𝘢 𝘯𝘢𝘢𝘨 𝘪𝘭𝘣𝘢𝘹 𝘢𝘩 𝘢𝘺𝘢𝘢𝘯 𝘢𝘩𝘦𝘦”, ka dibna kolka ay bulshada kala kulmaan adayg iyo doodo tooda ka soo horjeeda, waxaa ay raalli gelinta ku bixiyaan af-soomaali. Sidii ay ka baqayaan in saadadooda caddaanka ahi aanay ogaan in ay dhuuni u carar yihiin.

Waxaa kaloo ay adeegsadaan sawiro ay isku barbar dhigayaan 70’aataneedyadii sida dabaqadii sare u labisan jirtay iyo habka labiska dumarka Soomaaliyeed ee haatanoo dadku wax bartay. Waqtigaas ay u golongolayaan dadkanu wadanka waxaa lagu hagi jiray nidaam u dhow ka shuuciga oo ‘xorriyad’ wax la yodhaa aanba aqoon, haddiiba ay cuddoon tahay in dhar gaagaaban oo la xidhaa wanaag tahayna sababta ay u noqotay maxay tahay? hadii ay jawaabtu tahay waayo doorashaa jirtay, waa jawaab aan run sheegayn waayo dawlad keli taliye ah ayaabay ahayd oo xornimo waxay ahayd waxa dawladu u taqaan, mise ‘skirt’-ka iyo toobabka reer galbeedka ayaa samaan ah xidhashadoodu, oo akhlaaqdoodaa cuddoon mar kasta.

𝗚𝗨𝗡 𝗜𝗬𝗢 𝗚𝗨𝗡𝗔𝗔𝗡𝗔𝗗

Loolanka aragtiyaha akhlaaqiga ah ee adduunka ka jiraa waa uu soo laxaadsanayaa oo haddeer Soomaali iyo Somaliland gaar ahaan iriduu u taagan yahay, ammin dhawna gudaha ayuu u soo galayaa markaasaa la damci doonaa in la inaga iibiyo afkaar qalaad iyo akhlaaq ugub inagu ah.

waa wanaag in aynu sii derisno dhaliilaha nidaamyada akhlaaqiyeed ee reer galbeedka ee ay ugu horayso Liberal Secularim, waayo aragtidani meel ay haysataa iska yar oo waxaabad moodaa in ay tahay waxa ay ka hadlaysay aayada

“فَرَءَيۡتَ مَنِ اتَّخَذَ اِلٰهَهٗ هَوٰٮهُ” (14)

Qolooyinka xuquuqal insaanka u doodana waxaa u yaal su’aal ah xaqa halkee baa laga soo dheegtaa, muxuu isu bedbedalaa xuquuqda bani aadamku? xaqa aad u doodaysaan miyuu ka wanaagsan yahay xaqa aan anagu ka bulsho ahaan u leenahay in aanu go’aansano waxa noo xaq ah?

Haddii aad guumaysi diid tihiin, diidaya afkaarta aan “Soomaaliga” ahayn ee ka yimi “carab”, maxaa aad u sidataan afkaar aan shaki ku jirin in ay reer galbeed ka yimaadeen, miyaan la odhan karin idinkuba waxa atihiinad dad la soo guumaystay se aan ogayn inay iibsan yihiin?

“Xijaab baa xornimada ka soo horjeeda” imika oo ay doodaasi curdin tahay haddii la jebin waayo, caaqibadeedu waxaa ay noqonaysaa doodo ka sii daran oo ku saabsan maxaa xornimo ah, oo isugu biyo shuban doontaa xornimo waa ta ay inoo yeedhiyaan nimankaa cadcad iyo akhlaaqiyaatkooda qaloocani.

𝘈𝘧𝘬𝘢𝘢𝘳𝘵𝘢𝘺𝘥𝘢 𝘰𝘰 𝘬𝘢𝘭𝘢 𝘥𝘢𝘢𝘥𝘴𝘢𝘯 𝘢𝘢𝘸𝘢𝘥𝘦𝘦𝘥 𝘪𝘺𝘰 𝘬𝘦𝘥𝘪𝘴 𝘢𝘢𝘯 𝘬𝘶 𝘲𝘰𝘳𝘢𝘺 𝘲𝘰𝘳𝘢𝘢𝘭𝘬𝘢 𝘴𝘢𝘳𝘦 𝘥𝘢𝘳𝘢𝘢𝘥𝘦𝘦𝘥 𝘸𝘢𝘹𝘢𝘢 𝘭𝘢𝘨𝘢 𝘺𝘢𝘣𝘢𝘢 𝘪𝘯 𝘲𝘢𝘺𝘣𝘢𝘩𝘢 𝘶𝘶 𝘬𝘢 𝘬𝘰𝘰𝘣𝘢𝘯 𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘮𝘢𝘲𝘢𝘢𝘭𝘬𝘶 𝘢𝘢𝘯 𝘢𝘺 𝘴𝘪 𝘴𝘢𝘹 𝘪𝘴𝘬𝘶𝘨𝘶 𝘹𝘪𝘥𝘩𝘮𝘢𝘺𝘯!!

Tixraac

————————

1.https:// traversingtradition .com/2019/04/08/the-secularization-of-the-muslim-mind/

https://www.wsj.com/articles/100-years-of-communismand-100-million-dead-1510011810

2.https://en. wikipedia. org/wiki/Utilitarianism#Criticisms

3. John Safranek: The myth of Liberalism

4. ibid

5. ibid

6. https://www .latimes .com/world/la-xpm-2013-jan-14-la-me-pedophiles-20130115-story.html

7.http://www. bbc.co. uk/newsbeat/article/32411241/denmark-passes-law-to-ban-bestiality

8.https://www. rand. org/content/dam/rand/pubs/monographs/2007/RAND_MG574.pdf

9.https://en. wikipedia. org/wiki/Clothing_laws_by_country

10. ibid

11. https://www. al-islam. org/hijab-muslim-womens-dress-islamic-or-cultural-sayyid-muhammad-rizvi/common-questions-about-hijab-and

12.https://www. seekersguidance .org/answers/general-counsel/what-are-the-requirements-of-hijab/

13.https://en. wikipedia .org/wiki/Appeal_to_ tradition

14. Surat aj-Jaathiya aayada 23aad

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR