Xubin ka mid ah Guddigii Galmudug ee la maagcaabay oo is casilay

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu is casilay xubin ka mid ah Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug, kuwaa oo loo wakiishay inay bilaabayan dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Guddigan ayaa waxaa xalay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, waxayna ka kooban yihiin saddex iyo toban xubnood, oo qaarkood ku dhow Villa Somalia.

Xaliimo Cabdi Cali oo ka mid ah Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug ayaa waxay ka soo horjeedsatay xilkaasi, iyadoona iska casishay.

Sababaha ugu weyn ee isu casishay Xaliimo Cabdi Cali ayaa lagu sheegay in iyadoo qura ay haween/dumar ka tahay guddiga ay soo magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xaliimo Cabdi Cali ay daneynayso in ay ka mid noqoto Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug, oo lagu wado in lagu soo doorto Magaalada Dhuusamareeb.

Haweenka fir fircoon ee Galmudug ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lagu dhiira-gelinayay in ay ka qayb qaataan Siyaasadda Galmudug, isla-markaana ay xilal ka raadsadaan dhismaha maamulka cusub.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe/Galmudug ayaa qaadacday magacaabista guddigan, waxayna sheegeen in dhankoodu ay soo magacaabi doonaan guddi kale, haddii aan dib loogu laaban magacaabista guddigaasi.

Madaxda Galmudug ayaa waxay kol hore ka sii diggeen in Wasaaradda Arrimaha Gudaha aanay ka tala gelin magacaabista guddigan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR