Xulka Croatia oo uga badbay finalka Koobka Aduunka+SAWIRRO+VIDEO

Xulka Croatia ayaa markii ugu horeysay u soo gudbay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha adduunka kadib markii ay 2-1 uga badiyeen xulka England waxaana ay la ciyaari doonaan xulka Faransiiska ciyaarta kama dambaysta ah.

Xulka Ingiriiska ayaa daqiiqadii 5aad waxa ay heleen gool uu u dhaliyay daafacooda Kieran Trippier iyadoo goolkana uu ahaa laad xor ah.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa ay ku dhamaatay 1-0 iyadoo labada xulba ay iska qasaariyeen fursado goolal loo fishay.

Hase yeeshee ciyaartoyda xulka Croatia ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta dadaal badan muujiyay waxana ugu dambeyntii daqiiqadii 68aad ay heleen gool ay ku barbareeyeen waxana u dhaliyay ciyaaryahanka garabka uga ciyaarayay ee Ivan Perišić.

90kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah waxaana lagu daray 30 daqiiqo.Qeybtii dambe ee soddonka daqiiqo lagu daray ciyaarta ayaa xulka Croatia waxa ay dhaliyeen goolkii guusha waxaana u dhaliyay Mario Mandzukic.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR