Xulka Norway Oo Wakhtigii Dhimashada Bar-Bar Ku Qabtay Xulka Spain & U Soo Bixistii La Roja Ee Euro 2020 Oo Dib U Dhacday

Xulka qaranka Norway ayaa bar-baro ku qabtay xulka qaranka Spain kulan ka dhacay Oslo kana tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020 iyada oo uu Hakad galay u soo bixistii xulka Spain ee tartanka Euro 2020.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ayna labada xul soo bandhigeen ciyaar is ilaalin weyn ku jirto xilli xulka Norway qaybtii hore ee ciyaarta ka fiicnaa xulka Spain.

Laakiin Labada xul ayaan wax goolal ah kala dhalin qaybtii hore inkasta oo ay sameeyeen fursado fiican oo labada dhinac ah.

Qaybta hore ee ciyaarta yaa ku dhamaatay bar-baro gool la,aan ah iyada oo ayna labada xul shabaqa soo taaban.

Xulka Spain ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta si dar-dar leh ku soo galay kulanka iyaga oo raadinayay in ay dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 46-aad ayuu xulka Spain helay wixii uu doonayay kaas oo ahay goolka furitaanka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Saul Niguez kaas oo xulka qarankiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta kana dhigay 1/0.

Xulka Spain ayaa wixii intaas ka dambeeyay daafac galay kadib markii uu xulka Norway bilaabay in ay raadiyaan goolka bar-baraha.

Xilli uu xulka Spain doonayay in uu difaacdo goola ayaa xulka Norway loo dhigay rikoodhe daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta.

Xiddiga Joshua King ayaa gool u badaly rikoodhadaas kana dhigay ciyaarta bar-baro 1/1 ah oo ay labada xul ku ka bexeen ciyaarta iyada oo uu Hakad galay u soo bixistii Spain ee tartanka Euro 2020.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR