Xulka Qaranka Italy Oo Iska Xaadiriyay Tartanka Euro 2020 Kadib Guul Ay Ka Gaadheen Greece

xulka qaranka Azzurri ayaa iska xaadiriyay tartanka Euro 2020 kadib markii ay guul ay u qalmeen ka gaadheen xulka qaranka Greece kulan ka dhacay Caasimada Italy gaar ahaan garoonka Stadio Olimpico.

Kulankan laftiisa xulka Greece ayaa Italy u diiday in uu si dhib yar ku dhaliyo gool iyaga oo si fiican u difaacday goolkiisa.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay gool la,aan xilli uu xulka qaranka Italy guud ahaan ciyaarta maamulayay.

Laakiin xulka Italy oo aad moodo in ay qaybtii dambe ku soo galeen dhiiri galin dheeraad ah ayaa dhulka la simay xulka Greece.

Daqiiqadii 63-aad ayuu xulka qaranka Italy helay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Jorginho kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Xulka Italy ayaa daqiiqadii 78-aad sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga Federico Bernardeschi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka qaranka Italy iska xaadiriyay tartanka Euro 2020 wareega Group-yada.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR