Yaa ku loollamaya Soodaan? (WQ: Ibrahin-hawd Yuusuf)

Weerarkii ciidanka Soodaan ku qaaday fagaarihii bannaanbaxu wax uu ahaa nabar culus oo ku dhacay dadaalkii la gu doonayay in dimuqraadiyad la gu yagleelo ridistii Bashiir ka dib. Haddaba gudo iyo debedba waa kuwan dhinacyada is ku haya Soodaan:

1. Sarreeye guuto Maxamed Axmed Duqlo oo la gu naanayso Xamiidati. Waa kuxigeenka Golaha Ciidanka Soodaan ee kumeelgaadhka ah, waana nin u muuqda in uu yahay ka Soodaan maanta u gu awood badan. Waa taliyaha ciidanka gaarka ah ee loo yaqaan gurmadka degdegga ah oo ka kooban tobannaan kun oo askari, waana ciidanka ku eedaysan gumaadkii ka dhacay gobolka Daarfoor. Waa ciidanka Kharduum ilaaliya, waana is la ciidanka jiidhay fagaarihii debedbaxa, iyada oo la hubo cidda amarkaa bixin kartaa in ay tahay Xamiidati oo Daarfoor ka soo dagaallamay. Ninkan awooddiisu wax ay kale oo ku dhisan tahay xidhiidh uu la lee yahay Imaaraadka iyo Sacuudiga, iyada oo ciidankiisa degdegga ahi ka la qaybgalay dagaalka Yaman. Waa nin aad u muuqda oo ka dhex khudbeeya fagaarayaasha is la markaa la kulma diblomaasiyiinta shisheeyaha.

2. Sarreeye gaas Cabdifataax Burhaan. Waa guddoomiyaha Golaha Ciidanka ee kumeelgaadhka ah, wax uuna ahaa kormeeraha guud ee ciidanka qaranka Soodaan iyo taliyaha saddexaad ee u gu sarreeya ciidamada dalka. Sidii Xamiidati si ka duwan isagu ma aha nin noloshiisa wax badan la ga yaqaan, wax uuna ahaan jiray taliyaha ciidanka lugta taas oo siisay fursad ah in uu ka war hayo ciidamada Soodaan ee Imaaraadka iyo Sacuudiga Yaman ka la dagaal galay. Burhaan xidhiidh weyn buu la lee yahay saraakiisha dawladaha Gacanka mar haddii uu ahaa iskuxidhaha hawlaha dagaalka.

3. Midowga ururrada mihnadlayaasha.

Waa midowga ururradii hoggaaminayay kacdoonkii la gu riday Cumar Bashiir, imikana wax uu hoggaaminayaa gaashaanbuur weyn oo ka tirsan ururrada mucaaradka u halgamaya in talada askarta la ga wareejiyo. Midowgani waa shaqaale iyo shakhsiyaad firfircoon oo ay ka mid yihiin qareenno, injineerro iyo dhakhaatiir. Guud ahaan debedbaxayaasha, oo mararka qaar tiradoodu gaadho boqollaal kun, waxaa ku jira dhammaan qaybaha iyo dabaqadaha bulshada, haweenka ayaana ah awood xoog leh oo kacdoonka riixaysa.

4. Dalalka Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar.

Imaaraadka oo uu hoggaaminayo Maxamed bin Saayid Bariga Dhexe wax uu ku yeeshay awood sii badanaysa. Ninkani Soodaan wax uu ku ammaanay sida ay u ga la qaybgashay dagaalka Yaman, hayeeshee danaha uu Afrika ka lee yahay waa ay ka tallowsan yihiin goobaha dagaalka Yaman. Ibn Saayid isaga oo garbaha ku wata Masar iyo Sacuudi wax uu dagaal ku la jiraa dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah, kuwaas oo ay u arkaan halista jiritaankooda iyo gobolkaba. Saddexdaa dalba wax ay taageerayaan hoggaamiyayaasha cusub ee Soodaan, wax ayna doonayaan in ay xoojiyaan awoodda ay dalkaa ku lee yihiin. Hawsha u gu weyn ee ay dalalkani imika Soodaan ka beegsanayaan waa in ay ka takhallusaan kooxaha islaamiyiinta ah oo dawladda awood ku lahaa la ga soo bilaabo markii Cumar Bashiir talada qabsaday sannadkii 1989. Imaaraadka iyo Sacuudigu is la markii Bashiir la riday Soodaan wax ay u ballanqaadeen 3 bilyan oo Dollar.

Cabdifataax Siisi isaga kacdoonka Soodaan ee sidaa u gu dhow baa welwel galiyay, kaas oo xususiyay Kacdoonkii Guga Carbeed ee sannadkii 2011. Siisi markii madaxweynaha la ga dhigay wax uu mamnoocay jiritaanka ururkii Ikhwaan al-Muslimiin, wax uuna afka cagta ka saaray mucaaradkii. Tabta Imaaraadka ayuu doonayaa in islaamiyiinta la ga fogeeyo xilalka muhiimka ah ee Soodaan.

Sacuudiguna waa la mid oo ilaa imika ammaankiisa wax uu u doorbidayaa asarta Soodaan. Saddexdan dalba wax ay cabsi ka qabaan kacdoonkii Guga Carbeed oo soo noqda oo dabadeed talada farhooda ka bixiya.

Wax aan ka soo turjumay:

Aljazira.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR