Zidane Oo Ka Hadlay Wararka Sheegay In Uu Isco Dalbaday In La Iibiyo.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa diiday in uu ka hadlo wixii uu Isco ugala hadlay mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid.

Waxa jiray warar sheegaya in uu Isco tababare Zidane u sheegay rabitaankiisa ka tagista kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga January.

Zidane ayaa wax laga waydiiyay arintaas intii uu ku jiray jirkii ka dambeeyay kulankii Villarreal ee horyaalka La Ouga.

Tababare Zidane ayaa la waydiiyay in ay sax tahay wararka sheegaya Isco dalbaday bixitaanka waxana uu yidhi”Maya, kuuma sheegayo waxa aan ku wadahadalnay xiddiga”.

“Laakiin Isco waa xiddig Real Madrid waxana uu haatan joogaa Real Madrid mana ahan in aan ka hadlno arimahaas”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR