Zidane oo war fiican ka helaya Ramos kahor kulanka ay kaga daah furan doonaan ololahooda La Liga ee xili ciyaareedka cusub 2019/2020

(Madrid) 13 Agoosto 2019. Macalinka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu war aad u wanaagsan ka helayaa kabtanka kooxda ee Sergio Ramos kahor kulanka ay kaga daah furan doonaan horyaalka La Liga ee Celta de Vigo.

Real Madrid ayaa kaga bilaaban doonta ololaheeda horyaalka La Liga ee dalka Spain xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020 kulanka ay kula ciyaari doonto kooxda Celta de Vigo Sabtida soo socota.

Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxda maanta oo Talaado ah, isagoo tababr buuxa la sameeyay saaxiibadiis, taasoo la micno ah inuu ku dhow yahay inuu ka qeybgalo kulanka Celta de Vigo.

Ramos ayaa seegay kulankii ugu dambeeyay ee saaxiibtinimo ay la ciyaareen Roma Axadii lasoo dhaafay sababa la xiriira dhaawac uu qabay, iyadoo Los Blancos kulankaas loogu awood sheegtay rigoorayaal, kaddib markii ay ciyaarta ku soo idlaatay barbaro 2-2 ah.

Laakiin taasi badalkeeda waxaa Real Madrid wali dhaawacyo kala duwan kaga maqan xiddigaha Marco Asensio iyo Brahim Díaz.

عرض الصورة على تويتر

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR