Afrika oo u Baahan Dhaqaale ay Uga Soo Kabato COVID-19

WASHINGTON(HALBEEG)-Hay’adda Lacacagta Adduunka ee “IMF” ayaa sheegtay in qaaradda Afrika ay u baahantahay lacag dhan 1.2 Trillion Doollar saddexda sano ee soo socota si ay uga soo kabato dakharradii dhaqaale iyo kuwii caafimaad ee ka soo gaaray xanuunka COVID-19.

Hay’adda ayaa sheegtay in dunida looga fadhiyo kaalmo xoog badan oo ay la garab istaagaan qaaradda Afrika.
Qeylo dhaanta IMF ayaa imanaysa iyada oo dhanka kale Hay’dda WHO ay shaacisay in Afrika ka khasaaro yartahay dunida inteeda kale marka laga hadlayo xanuunka COVID-19.

IMF ayaa ka digtay in 43 milyan oo qof oo Afrikaan ah ay qarka u saaranyihiin in ay la noolaadaan saboolnimo daran oo ka dhalatay xanuunka COVID-19.


Post Views:
27

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR