Arsenal Oo Dagsatay Qorshe Ka Caawinaya Saxiixa James Maddison

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay u soo bandhigto xiddigo kooxdeeda ah Kooxda Leicester City si ay uga qayb noqdaan heshiiska ay ku doonayaan xiddiga khadka dhexe James Maddison xagaagaan.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa dhawaan saxiixay heshiis 4 sano laakiin kooxda Foxes ayaa diyaar u ah in ay wadahalo la qaadato kooxaha doonaya xiddiga hadii ay diyaar u yihiin qiimaha lacageed ee ay doonayaan.

Maddison ayaa bartilmaameed u ah kooxda Arsenal kuwaas oo raadinaya xiddig khadka dhexe ah kadib bixitaankii Martin Odegaard iyo Dani Ceballos.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Leicester City ayaan aqbali doonin dalab dhan 50 miyan oo euro laakiin Arsenal ayaa diyaar u ah in ay 50-ka milyan ku darto xiddigo kooxdeeda ah.

Xiddigaha Ainsley Maitland-Niles iyo Reiss Nelson ayaa ah labada xiddig ee ay kooxda Arsenal doonayso in ay ku darto heshiiska ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Ficil Oo Uu Ninku Si kama’ ah U Sameeyo Oo Ay Gabadhu Ku Jeclaato Isaga Oo Aan Ogayn.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR