Home » Archives by category » ARRIMAHA BULSHADA

“Maxaa Riday Dawladdii Siyaad Barre?”..Qalinka: Maxamed Siddiiq Dhamme Oo Ka Tirsan WADDANI

Hargeysa, 10 May, 2021- (Foore)- Xeerka ha’yadda sirdoonka qaranka Xeer Lr 59/2012 awood uma siinaayo xubnaha ha’yadda ka midka ah xabsiyo iyo xarumo ciqaabeed oo gaara, goobaha aan ahayn goobaha uu xalaaleeyay Xeer Lr 65/2014 waa sharci darro iyo gef qaran. Dhammaan dadka qafaalan ee guryaha lagu haystaa way afduuban yihiin waana gabood fal weyn […]

Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.28aad

Maxaa xiga Ramadaanta? Haa, Ramadaan baxday ee maxaynnu ka faa’iidnay ee waxtar inoo leh, waxqabadyadii suubana ee aynnu la iman jirnay halkaynu ku tuurayna, salaaddi badnayd, Quraan akhristii, duco iyo xuskii Alle me?. Ma ogtahay waxqabad la qabto ka ugu gobsan inu yahay ka la joogteeyo sida Rasuulku ba CSW sheegay, “Camal la qabto waxa […]

Guddida Nabedgalyada Gobolka Sool waxay soo saareen go’aamo lagu xoojinaayo Nabedgalyada Gobolka xiiliga doorashooyinka

Guddida Nabadgelyada ee gobolka Sool ayaa soo saaray siddeed qodob oo lagu xoojinaayo Nabedgalyada Gobolka xiiliga doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha deegaanka iyo Wakiillada. Go’aamadaasi ayaa u dhignaa sidan:. Qabashada Hubka , Gadiidka aan Taarikada lahayn, Adkaynta Nabadgelyada Wakhtiga Kala guurka, Qoriga la qabto in lahaynayo 3 bilood oo u dhiganta 90 cisho, Qofkii aan Ciidan […]

Madaxweynaha Somaliland waxa uu magacaabay Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Musue Biixi Cabdi ayaa Magacaabay guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag. Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada ayaa waxay u dhignayd sidan:  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-658/052021 ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-  Wareegto Madaxweyne Magacaabid MarkaanArkay:          Dastuurka Jamhuuriyadda […]

Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.27aad

Eedaabta ciidda Waa in aad la timaadda hab-dhaqan tolmoon oo Alle SWT raalli ka yahay, kaas oo aan ahayn in aad aduu ku dabaal dagto wax naftaada dhib aakhiro iyo mid aduun u soo jiidaya, waxa kale oo la yaab leh inaad noqoto qof haan gunta ka daloosha dhaaminaya. Haddaad waxqabadkaagi ka dhigto hal bacaad […]

Sidiiq Khan waxa uu mar kale ku guulaystay Doorashada Duqa London

Murashaxii Xisbiga Labourka Ee Dalka Ingiriiska Ugu Tartamayay Doorashada Duqa Magaaladda London Sadiq Khan ayaa Mar Kale Ku Guulaystay Doorashadaasi. Waxa Uu Ka Adkaaday Murashaxii Xisbiga Conservative Shaun Bailey oo Xilkaasi Kula Loolamayay. Sidiiq Waxa Uu helay codadkii La Tiriyay 55.2% Sidaas ayaanu Ku Noqday markii Labaad Duqa Magaaladda London Ee Caasimadda Dalka Ingiriiska. bandhige@gmail.com

Dhallinyaro ma dhabbaa mise gudcur baan guurayaa? (WQ: Xuseen Cali Nuur)

  Dhallinyaro ma dhabbaa, inaad tihiin aqlabiyada shacabiga Somaliland?  Ma dhabbaa in aad tihiin qaybta bulshada ugu tirada badan ee isticmaasha baraha bulshada? Ma dhabbaa in aad tihiin bulshada inta ugu badan ee haysata digriiyada Jaamacadda ee heerka koowaad iyo labaad? Dhallinyaro, shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay in aanay idinka qarsoonayn xaaladda dhaqan dhaqaale iyo bulsho […]

Xidhiidhka ka dhexeeya qabyaaladda iyo doorashooyinka Soomaalilaan (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Mar kasta oo ay doorasho timaado, waxa miciyo dhaadheer la soo baxa qabyaaladda. Wakhtigan way fududahay inaad aqoonsato qof kasta oo guri ku jira, gaadhi wata ama meherrad ku leh suuqyada reerkiisa. Waxaad markiiba ku arkaysaa sawirka ninka u sharraxan ama labada musharrax ee reerkiisa oo ku dhejisan hadba wuxuu wato ama guriguu ku jiro. […]

Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.25aad

Laylatul-Qadriga (2) Caa’isha Rc ayaa Rasuulka CSW wayddiisay haddaan la kulmo habeenkan maxaan idhaa, Rasuulku CSW wuxuu ugu jawaabay  in ay ku ducaysato, “Allow waad saamaxaad badan tahay, cidda wax samaaxdana waad jeceshahee na saamax.” Run ahaantii  waa duco wax walba koobsanaysa. Waxa aynnu baraarujin lahayn in ay habeennadan oo kale ay dhacdo in dadku […]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Gudoomiyaha Shirkada DP World ahna Maareeyaha guud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkada DP World ahna maareeyaha guud ee Shirkadaas, Sultan Ahmed Bin Suleyman. Kulankaas oo salka ku hayey dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkada DP World, looguna gogol xaadhayo furitaanka wejiga koowaad ee […]

Page 1 of 65123Next ›Last »