Farmaajo oo warqadaha ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya (SAWIRRO)

Farmaajo oo warqadaha ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub Itoobiya ee Somaliya, Amb. Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Danjiraha Itoobiya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya, Marwo Sahle-Work Zewde ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diiran, ee uu kala kulmay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyay Safiirka guulaha wax ku oolka ah, ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee dhinacyada dib-u-dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, la dagaalanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Dhankiisa Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is ixtiraam, waxa uuna muujiyay ahmiyadda ay leedahay dhowrista madaxbannaanida dal walba.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Somaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi, deris wanaag iyo wax wada-qabsi, iyada oo xoogga la saarayo in kor loo qaado heerka nololeed iyo dhaqaale ee shucuubta Geeska Afrika.

Farmaajo oo warqadaha ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya (SAWIRRO)

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR