Galmudug oo shuruud adag ku sii deysay Wariye raq iyo ruuxba la waayay

Galmudug oo shuruud adag ku sii deysay Wariye raq iyo ruuxba la waayay

Wariye Saciid Cismaan Gabeyre oo ka mid ah Wariye-yaasha ka hawlgala Gobolada Dhexe ayaa caawa laga sii daayay Saldhigga Booliska ee Degmada Guriceel, halkaas oo 18 habeen uu ku xirnaa.

Ciidamada ammaanka ayaa 22-kii bishii hore ee April ninka Wariyaha ah ka dhex qabtay Magaalada Guriceel, iyagoona khasab kaga dhigay inuu Saldhigga Booliska u raaco, ka dibna loo sheegay in uu xarig yahay.

Wax yar uun ka dib, markii la xiray ayaa waxaa xabsiga ugu tagay xubno uu horkacayay Gudoomiyaha Degmada Guriceel, Anas Cabdi Macalin. Gudoomiyaha ayaana Saraakiisha Booliska amray in qol lagula xiro dadka dilalka loo haysto.

Ehelada Wariyaha, saaxiibadii iyo Wariye-yaasha ayaa intii muddo ahba weysanaa halka uu ku dambeeyo Wariyaha, inkastoo bilowgii toddobaadkan ay ka war helayn in uu ku xiran yahay Saldhigga Guriceel.

Wariye-yaasha Gobolada Dhexe ayaa ogaaday in Saxafigaasi uu u xiran yahay qoraalo uu bartiisa Facebook kula wadaagay qaybaha bulshada.

Dadaalo badan oo la sameeyay ayaana horseeday in Wariyaha laga sii daayo xabsiga, inkastoo ay jiraan shuruudo adag oo lagu khasbay inuu aqbalo, haddii uu doonayo inuu dib xorriyadiisa u helo.

Shuruudaha lagu sii daayay Wariyaha:-

In aanu waxba ka qori karin Dowlad Goboleedyada Galmudug
In aanu muujin karin dhaliilaha Maamulka Degmada Guriceel
In aanu soo raadsan karin teleefanka gacanta ee ka maqan

Muuqaalo si qarsoodiya looga soo duubay qolkii uu ku xirnaa ayaa waxaa ka muuqanaya nadaafad-darro iyo agab lagu seexdaa oo aan ka jirin, waana xilli uu dalku wajahayo mowjadda 2aad ee xanuunsidaha COVID-19.

Somaliya ayaa waxaa lagu tilmaamaa mid ka mida dalalka ugu halista badan dunida ee Saxafi uu ka hawlgalo, iyadoona loogu gaysto dil, jirdil, xarig iyo handadaad joogto ah.

Galmudug oo shuruud adag ku sii deysay Wariye raq iyo ruuxba la waayay

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR