Halka Uu Tammy Abraham Ka Gali Karo Shaxda Arsenal Hadii Uu Ku Biiro Gunners.

Halka Uu Tammy Abraham Ka Gali Karo Shaxda Arsenal Hadii Uu Ku Biiro Gunners.

Kooxda Arsenal aya la sheegayaa in ay aad ugu dhawdahay saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Tammay Abaraham kaas oo ay qaab amaah ah kula wareegayso inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Arsenal ayaa Tammy Abraham u doonaysa in ay ku xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe xilli ay Chelsea diyaar u tahay in ay xiddiga u ogolaato in uu ka tago kooxda xagaaga.

Dhanka kale Abraham oo taageero u ah Arsenal ayaa doonaya in uu ku biiro Emirates inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Thomas Tuchel.

Arsenal ayaa haatan dhamaystirtay 3 saxiix iyada oo laba ka mid ah la filayo in ay noqdaan dookha 1-aad ee tababare Mikel Arteta xilli ciyaareedka dambe.

Abaraham ayaa la filayaa in uu shaxda Arsenal si toos ah ugu biiro hadii ay Gunners dhamaystirto saxiixiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR