hawlgalo saf ballaaran oo caawa ka soconaya Kismaayo (Boqolaal ruux oo la qab qabtay)

Hawlgalo lagu beegsanayo dad gaar ah ayaa caawa ka soconaya qaybo ka mid ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxay caawa hawlgaladan ka wadaan xaafadaha Dalxiiska, Guulwade, Dalacaadda iyo Via Afmadow. Hawlgalada oo kuwo saf ballaaran ah ayaa waxaa lagu qab qabanaya dhalinyarada iyo cid kasta oo Jubbaland u aragto inay mucaaradsan tahay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay markii hore hawlgalada ka bilaabeen xaafadaha Guulwade iyo Dalxiiska, balse uu markii dambe ku fiday xaafadaha Via Afmadow iyo Dalacaadda.

Hawlgalada ayaa waxaa la soo sheegaya in lagu qab qabtay boqolaal ruux, kuwaa oo qaarkood loo daabulay xabsiga Fiat, oo inta badan lagu xiro dadka uu Maamulka Jubbaland doonayo in la ciqaabo.

Dad kala duwan oo la hadlay Dhacdo.com ayaa hawlgalada ka soconaya xaafadahan waxay ku sheegeen in si gaar ahi loogu beegsanayo dad gaar ah, isla-markaana ay hawlgaladu yihiin kuwo raaf ah.

Xaafadaha hawlgalada laga wado ayaa waxaa la sheegay inay degan yihiin dadka mucaaradka ku ah Maamulka uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Tani waxay ku soo beegmaysaa saacado yar uun ka dib, markii Golaha Wasiirada Jubbaland ay iclaamiyeen inay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka Somaliya.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR