Hordhac: Italy Vs Turkey: Tartanka Euro 2020 Oo Bilaaban Doona & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay.

Waxa si Rasmi ah u bilaaban doona tartanka Euro 2020 oo si weyn loo sugayo kaas oo ka bilaaban doona dalal qaarada yurub ah maadama lagu ciyaari doono 11 magaalo oo ka tirsan dalalka yurub.

Kulanka ugu horeeya waxa isku arki doona xulalka Italy iyo Turkey kulan ka dhici doona garoonka Stadio Olimpico ee ku yaala caasimada dalka Italy ee Rome.

Labada xul ayaa kulanka soo gali doona iyaga oo isha ku haya in ay si fiican ku bilowdaan tartanka Euro 2020 oo aad ugu raagay taageerayaasha kubada cagta.

Kulanka: Italy Vs Turkey

Tartanka: Euro 2020

Garoonka: Stadio Olimpico

Wakhtiga: 10:00

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 2-aad ee ay labada xul isaga hor yimaadaan tartanka Euro iyada oo kulankoodii ugu horeeyay ahaa mid dhacay sanadkii 2000 waxana guul 2/1 ah gaadhay xulka qaranka Italy laakiin labada xul ayaa wareega xiga u wada gudbay.

Kulankii ugu dambeeyay ee labada xul dhexmaray ayaa ahaa mid saaxiibtinimo ah oo ku dhamaaday 1/1 kaas oo dhacay sanadkii 2002 kulan ka dhacay dalka Italy gaar ahaan magaalada Pescara.

Markan ayaa noqon doona markii 10-aad ee uu xulka qaranka Italy gaadho wareega Group-yada tartanka Euro-da iyo markii 7-aad oo xidhiidh ah tan 1992 kaliya laba jeer ayay ku fashilmeen in ay gaadhaan wareega wareega Group-yada sanadihii 1996 iyo 2004.

Markan ayaa ah markii 5-aad ee uu xulka Turkey ka soo muuqdo tartanka Euro-da iyaga oo markii ugu horaysay ka soo muuqday sanadkii 1996 Laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay u soo baxaan tartanka sanadihii 2004 iyo 2012.

Xulka Turkey ayaa u soo baxay wareega Group-yada tartanka Euro-da iyaga oo kaalinta 2-aad kaga dhamaystay Group-ka H iyaga oo ka dambeeyay xulka qaranka France waxana ay heleen 23 dhibcood oo ay ka heleen 10 kulan.

Xulka qaranka Italy ayaa guul gaadhay dhamaan 10-kii kulan ee ay ciyaareen is reeb-reebka Euro-da wana xulka kaliya ee dhamaan wada badiyay kulamadii is reeb-reebka Euro-da.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR