Lionel Messi Oo Ku Sii Dhawaanaya Rikoodh Uu Diego Maradona Dhiga

Laadkii Xorta ahaa ee uu Lionel Messi ka dhaiyay Valencia Axadii ayaa ahayd midkii 50-aad ee uu u dhaliyay kooxda Barcelona kadib markii uu kubada dhex digay Goolka uu ilaalinayay Goolhaye Jasper Cillesen.

Xiddiga reer Argentine ayaa sidaas ku dhaliyay guud ahana 56 laad oo xor ah marka la isku daro kooxda iyo xulka qarankiisa Argentine waxana uu ku dhawyahay in uu bar-bareeyo rikoodhka laadka xorta ahaa ee uu dhigay Halyeeyga Diego Maradona.

Halyeeyga Maradona ayaa dhaliyay 59 oo laad xor ah xirfadiisa ciyaareed intii uu ciyaarayay Kubada cagta taas oo la macno ah in uu Lionel Messi u baahanyahay kaliya 9 gool oo laad xor ah.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Messi ayaa haatanba dhaafay Manuel Pelegrina kaas oo dhaliyay 45 laad xor ah iyo Daniel Passarella oo dhaliyay 43 xor ah.

Todobaadka dambe Lionel Messi ayaa ka hor tagi doona Atletico Madrid oo ah kooxdii uu ka dhaliyay laadkiisii xorta ahaa ee ugu horeeyay intii uu Barcelona u ciyaarayay.

Xiddiga 32 Jirka ah ayaa dhaliyay laadkiisii xorta ahaa ee ugu horeeyay 4 bishii October 2008 kulankaas oo ay Barcelona ku badisay 6/1.

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR