Maamulka Gobalka Banaadir oo wada diyaar garowga todobaadka xoriyadda+Sawirro.

Maamulka Gobalka Banaadir oo wada diyaar garowga todobaadka xoriyadda+Sawirro.
Maamulka Gobalka Banaadir oo wada diyaar garowga todobaadka xoriyadda+Sawirro.

Muqdisho:-Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa wada diyaar garowga toddobaadka xorriyadda Soomaaliya ee 26 June iyo 1-da Luulyo, iyadoo waddooyinka waaweyn ee caasimadda Muqdisho ka socdaan howlo bilicda lagu soo celinayo.

Agaasimaha guud ee arrimaha Bulshada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo oo ay wehlisay Agaasimaha Waaxda Beeraha iyo Jardiinooyinka Marwo Kheyrto ayaa kormeer ku soo sameeyay waddooyinka ay ka socdaan Howlaha Bilic soo celinta iyo diyaar-garowga Maalmaha Xorriyadda, iyagoo ku dhiirageliyay kuna amaanay Howlwadeennada shaqada adag oo ay hayaan.

Bulshada Gobolka Banaadir ayaa dhankooda loogu baaqayaa in ay ka qeyb-qaataan u diyaar-garowga Maalmaha Xorriyadda isla markaana ay Qurxiyaan Calamana ay suraan goobahooda.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR